>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 564

67:27 27. Markayse arkaan (cadaabka Alle) oo ku soo dhow, waxaa xumaan wejiyada gaalada, waxaana lagu odhan: Waa kan waxaad u yeedhan jirteen (in la idiin soo dedejiyo oo cadaab ah).

67:28 28. Dheh: Bal ka warrama haddii Alle na oofsado aniga iyo inta ila jirta (mu'miniinta), ama noo naxariisto, yaa ka badbaaadin gaalada cadaab xanuun badan?

67:29 29. Dheh: Alle waa Raxmaanka, waanu rumeynay, Isagaana tala saarannaa. Waad ogaan doontaan waa kee kan ku sugan habow cad.

67:30 30. Dheh: Bal ka warrama hadday biyihiin- nu dhulka ku guraan, waa kee kan idiin keeni kara biyo socda oo dur dur ah [5]?

68:1 1. Nuun [1]. Waxaan (waa Alle'e) ku dhaartay Qalinka iyo waxay (malaa’igtu) qoraan.

68:2 2. Waa igu Nicmadda Rabbigaaye, ma ahid (Muxammadow) jinnoole.

68:3 3.Waxaad leedahay (Nabiyow) ajar aan weligii go'eyn.

68:4 4. Waxaa xaqiiq kuu sugnaaday (Nabiyow) dabeecad san oo sare.

68:5 5. Marka waad arki, iyaguna (sidoo kale) way arki,

68:6 6. Kiinna fidmeysan (ama la cadaabo).

68:7 7. Hubaal Rabbigaa baa Ogsoon kan ka dhuma Jidkiisa, Isagaana Og kuwa hanuunsan.

68:8 8. Ee ha adeecin xaq beeniyayaasha.

68:9 9. Waxay jecel yihiin inaad u iilato (oo ku raacdo wax ka mid ah baadilkooda), iyaguna (markaa) kuu soo iishaan.

68:10 10. Oo ha adeecin mid kastoo dhaar badan qiimo laheyn.

68:11 11. Xamasho badan, u socod badan dira diro (nabiibiye ah).

68:12 12. Khayr diid, xad-gudbe, denbi badan.

68:13 13. macangag ah madax adag - intaasoo dhan ka sokow mid liita ah (aan nasab ahayn).

68:14 14. Haba lahaadee maal iyo wiilal.

68:15 15. Kaasoo marka Aayadahayaga loo akhriyo, yidhaahda: Waa sheekooyinkii kuwii hore.

68:16 16. Waxaanu ka calaameyn sanqaroorka dushiisa.