>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 557

64:10 10. Kuwase gaalooba oo beeniya Aayadahayaga kuwaasu waa ehlu-Naar, iyagoo ku dhex waaraya weligood. Xumaa aayotiin ahaan iyo meel la ahaado.

64:11 11. Ma jirto wax masiibo ah oo dhaca ilaa waxay ku dhacdaa Idanka Alle. Qofkii rumeeya Alle, wuxuu hanuuniyaa qalbigiisa (oo xasila). Alle wax walba wuu Og yahay.

64:12 12. Adeeca Allaah, adeecana Rasuulka, haddaadse jeesataan (Xaqa diiddaan), waxaa saaran Rasuulkayaga oo keliya Gaarsiin Cad.

64:13 13. Allaah! Ma jiro Ilaah (Xaq lagu caabudo) aan Isaga ahayn, Allaah (oo keliya) ha talo saarteen mu’miiniintu.

64:14 14. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Waxaa ka mid ah xaasaskiinna iyo ilmahiinna kuwo cadow idiin ah, ee ka digtoonaada! Haddaadse iska cafidaan (gefafka ay idinka galaan) oo saamaxdaan (adduunyo wixii la xidhiidha), oo u ceeb qarisaan, Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.

64:15 15. Maalkiinna iyo awlaadiinna waa uun imtixaan [2], Alle agtiisase waxaa ah abaalgud Weyn (Janno).

64:16 16. Ee dhowra (amarrada) Alle intii karaankiinna ah [3]; oo maqla, adeecana, lana baxa sadaqo idinkay idiin roon tahaye. Qofkii laga dhowro bakheylnimada naftiisa, kuwaasi weeye kuwa liibaani.

64:17 17. Haddaad amaahisaan Alle amaah wanaagsan [4], Wuu idiin labo laabayaa (ajarka) oo idiin denbi dhaafi. Alle waa Tixgeliye wanaagga, ajar siin iyo Dul qaad Badan.

64:18 18. Waa Ogsoonaha waxaan muuqan iyo waxa muuqda, Adkaadaha, Xakiimka ah.