Cabdullaahi Xasan Yacquub — 555
63:5 5. Marka lagu yidhaahdo (munaafiqiinta): Kaalaya, ha idiin denbi dhaaf dalbee Rasuulka Alle, waxay dib u jeediyaan madaxyadooda, oo arkeysaa iyagoo sii jeesanaya oo isla weyn.
63:6 6. Waa isugu mid haddaad u denbi dhaaf dalabto (Nabiyow) iyo haddaadan u denbi dhaaf dalbin. Marnaba Alle u denbi dhaafi maayo. Alle ma hanuuniyo qolada caasiyaasha ah (fallaagada).
63:7 7. Iyaga weeye kuwa yidhaahda: Wax ha ku bixinnana kuwa la jira Rasuulka Alle, jeeray ka kala yaacaan. Alle baa iska leh khasnadaha samooyinka iyo arlada, munaafiqiintuse ma fahansana.
63:8 8. Waxay (munaafiqiintu) yidhaahdaan: Markaan u laabanno Madiina, kan gobta ahi [3] wuxuu ka saari halkaa kan gunta ahi [4], Allaah baa se iska leh Sharaf iyo Cizoo dhan (sidaa awgeed waxay u ahaan cizo) Rasuulkiisa, iyo mu’miniinta, munaafiqiintuse ma oga.
63:9 9. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Yeysan maalkiinnu iyo awlaaddiinnu idinka shuqlin Xusidda Alle (salaadda). Qofkii falaa sidaas, kuwaa weeye kuwa khasaaray.
63:10 10. Oo bixiya wax ka mid ah waxa aanu idin siinnay, inta aysan geeridu u iman midkiin oo markaas odhan: Rabbiyow! Maad muddo dhow dib ii dhigtid, markaa waxaan la baxayaa sadaqo oo ka mid ahaan kuwa wanaagga fala.
63:11 11. Alle se dib uma dhigo nafi marka ajasheed la gaaro. Alle waa u Xog Ogaal waxaad fashaan.