>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 549

60:1 1. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha ka dhigannina cadowgeyga iyo cadowgiinna saaxiibbo [1], idinkoo u muujinaya kalgaceyl xaggooda, iyagoo ku gaalooba waxa idiin yimid oo Xaq ah, oo u soo saaray debedda Rasuulka iyo idinkaba inaad rumeyseen Allaah, Rabbigiin darteed? Haddaad u soo haajirteen inaad u jihaaddaan Jidkeyga oo dooneysaan Raallinimadeyda (ha ka dhigannina gaalada sokeeyayaal), kuwaasoo aad qarsoodi ugu muujisaan kalgaceyl xaggooda, Aniguna (Alle ah) waan Ogahay waxaad qarisaan iyo waxaad muujisaanba; qofkii idinka mid ahna oo sidan fala, wuxuu dhab ahaan ka lumay Jidka Toosan (ee Islaamka).

60:2 2. Hadday gacanta sare idinka yeeshaan (gaaladu) waxay idiin noqon cadow, oo idin kula soo fidin gacmahooda iyo carrabyadooda xumaan, waxayna jecel yihiin inaad gaalowdaan.

60:3 3. Qaraabadiinna iyo awlaadiinnu waxba idiinma tarayaan Maalinta Qiyaamaha. Wuu idin kala xukumi (oo idiin kala saari gaalo iyo mu'miniin). Alle wuu Arkaa waxaad fashaan.

60:4 4. Waxaa idiinku sugan ku dayasho wanaagsan Ibraahiim iyo kuwii la jiray [2], markay ku yidhaahdeen dadkoodii: Innagu barii baan idinka nahay idinka iyo waxaad caabuddaan Alle sokadi, idin diidnay, oo cadaawad iyo naceyb baa ahaaday dhexdeenna innaga iyo idinka abad ah jeer aad rumaysaan Alle keliya - marka laga reebo qowlkii Ibraahiim ku yidhi aabbihi: Waxaan kuu baryayaa denbi dhaaf Alle [3], umase lihi wax awood ah aan wax uun kaaga qabto Alle horti. Rabbigayow! Adigaynu ku tala saarannaa, oo Xaggaaga u soo laabannaa, waana Xaggaaga noqodka dambe.

60:5 5. Rabbigayow! Ha nagu salladin gaalada, oo noo denbi dhaaf, Rabbigayow! Waa Adiga Adkaadaha, Xakiimka ah.