>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 546

59:4 4. Sidaas waxaa u sabab ah waxay colaadiyeen Alle iyo Rasuulkiisa. Qofkii colaadiyana Alle, hubaal Alle wuu daran yahay ciqaabkiisu.

59:5 5. Geed timreed kastoo aad goyseen ama aad ka tagteen iyadoo ku taagan jirriddeeda, waa Idanka Alle, iyo si uu u dufeeyo caasiyaasha.

59:6 6. Wixii (maal ah) Alle uga soo ceshay Rasuulkiiisa xaggooda (Yuhuuddii reer Nadheer) - uma aydaan qaadin duullaan aad ku dagaal gasheen fardo ama rakuub midna [2], wuxuuse Alle ku sallidaa Rusushiisa cidduu doono. Alle wax walba wuu Karaa oo awood u leeyahay.

59:7 7. Wuxuu Alle uga soo celiyo Rasuulkiisa dadka magaalooyinka 'dagaal la'aan' [3], waxaa leh Allaah, Rasuulka, qaraabada dhow 'ee Rasuulka' [4], agoomaha, masaakiinta iyo socotada 'go'doonsan' [5], si uusan (maalku) u ahaan wax ku wareegeysta oo keliya kuwiinna hodanka ah dhexdood. Wuxuu Rasuulku (amar) idin (ku) siiyo qaata, wuxuu idinka reebona ka jooga, oo dhowra (amarrada) Alle. Hubaal, Alle wuu Daran yahay Ciqaabkiisu.

59:8 8. (Waxaa wax ku leh maalkaa) saboolka ka soo haajiray guryahooda iyo maalkooda iyagoo raadinaya Fadli xag Alle ah iyo raallinimodiisa [6], una gargaaraya Alle iyo Rasuulkiisa: kuwan weeye kuwa ah run badnayaasha.

59:9 9. Kuwii (Ansaarta) degganaa Daarta (Madiina) ee (qaatay) Iimaanka ka hor (intaysan u soo hijroon walaalahood muhaajiriinta). Waxay jecel yihiin kuwaa u soo haajiray xaggooda, kamana helaan laabahooda wax u hanqal taag ah wax ka mid ah waxa (muhaajiriinta) la siiyey, waxayse ka hormariyaan (oo uga dooraan) nafahooda, inkastaba iyagu faqri ha hayee. Qofkii laga dhowro bakhaylnimada naftiisa, kuwaa weeye kuwa ah liibaanayaasha.