>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 543

58:7 7. Miyaadan ogaan inuu Alle Og yahay waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada? Ma jiro meel seddex ku faqda, uusan isagu aheyn kooda afraad [3], mana jiro (faq ka dhex dhaca) shan uusan aheyn kooda lixaad, mana jiraan wax intaas ka yar ama ka badan, uusan isagu la jirin meel ay joogaanba; kaddib wuxuu u sheegi waxay camal faleen Maalinta Qiyaamaha. hubaal, Alle wax walba wuu Og yahay.

58:8 8. Miyaadan ogaan kuwaa (Yuhuudda ah) ee laga reebay faqa xun, markaas ku noqda waxa laga reebay, oo yeesha kulanno qarsoodi ah ay ku faqaan denbi iyo colaad iyo ku caasinta Rasuulka, markay kuu yimaadaanna waxay kugu salaamaan wax uusan Allaah kugu salaamin [4], iyagoo si hoose u leh: Muxuu Alle noogu cadaabi waayey waxaan leennahay? Naar baa ku filan; oo ay gali. Oo u xun meel la ahaado.

58:9 9. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Markaad faqeysaan, ha ku faqina denbi iyo colaad iyo ku caasinta Rasuulka ee ku faqa samaan iyo ka joogid (denbiyada) dhowrana (amarrada) Alle, kaasoo Xaggiisa la idiin soo wada kulmin.

58:10 10. Sideedaba faqa (xun) waa uun (camal) Shaydaan [5], si uu u murug geliyo kuwa (Xaqa) rumeeyey, waxbase ma uu yeeli karo haba yaraatee wuxuu Alle idmo maahee. Alle uun ha tala saarteen mu’miniinta.

58:11 11.Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Marka la idinku yidhaahdo isu waasiciya fadhiga, isu waasiciya. Alle ha idiin waasiciyee 'Naxariistiisa' [6]. Marka la idinku yidhaahdo u kaca 'khayr' [7] u kaca. Allaah wuxuu kor u qaadi kuwiinna idin ka mid ah ee (Xaqa) rumeeyey, iyo kuwaa cilmiga la siiyey darajooyin aad u sarreeya. Alle waa u Xog Ogaal waxaad fashaan.