>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 542

58:1 1. Alle wuu ajiibay baryada haweentii kaagala doodeysay arrinka ninkeeda oo u sheeganaysey (dhibaatadeeda) Alle. Alle waa maqlayey wada hadalkiinna. Hubaal Alle waa wax kasta Maqle, wax kasta Arka.

58:2 2. Kuwa idinka mid ah ee isaga xaaraantimeeya [1] xaasaskooda hab ah dihaar (iyagoo ku odhan, "hooyaday baad iga tahay") - Sidaa kuma noqonayaan hooyooyinkood. hooyooyinkoodna ma aha cid kale aan ahayn kuwii dhalay. Kuwaasuna waxay ku hadlayaan hadal xun iyo been abuur. Allese hubaal waa Cafiye, Denbi Dhaaf badan.

58:3 3. Kuwa isaga xaaraantimeeya xaasas- kooda hab dihaar ah (ku yidhaahda, hooyaday baa iga tahay) - markaas doonaya inay ka noqdaan waxay yidhaahdeen, waa inay xoreeyaan addoon ka hor inta aysan is taaban (galmoon), (arrin)kaasi waa kan la idinku waaninayo. Alle waa u Xog Ogaal waxaad fashaan.

58:4 4. Kii aan helin (addoon uu xoreeyo), waa inuu soomo labo bilood oo xidhiidh ah ka hor inta aysan istaaban 'galmoon' [2]; kiise aan awoodin (soonka) waa inuu quudiyo lixdan miskiin. Sidaasi waa si aad Iimaan dhan ugu qabtaan Alle iyo Rasuulkiisa. Kuwaasi waa soohdimaha Alle (ee ha dhaafina). Gaaladu waxay leeyihiin Cadaab xanuun Badan.

58:5 5. Xaqiiq kuwa khilaafa Alle iyo Rasuulkiisa waa la dulleyn, sidii kuwii ka horreeyey loo dulleeyey. Waxaana dhab ahaan soo dejinnay Aayado cad cad. Gaaladu waxay leeyihiin Cadaab Dulleysa.

58:6 6. Maalinta (Qiyaamaha) uu Alle soo bixin iyagoo dhan, una sheegi waxay faleen. Alle wuu tiro koobay, halka ay iyagu iska halmaameen. Alle wax walba wuu Arkaa.