>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 541

57:25 25. Waxaan dhab ahaan la soo dirnay Rusushayada xujooyin cad cad, lana soo dejinnay Kitaabka iyo Miisaanka (caddaaladda), si ay dadku ugu wada dhaqmaan caddaalad. Waxaana soo dejinnay birta oo shiddo weyni ku jirto iyo manaafacaad dadka [10], iyo inuu Alle muujiyo kan u gargaari (Diinta) iyo Rusushiisa iyagoon arag. Hubaal Alle waa Xoog Badane, Adkaade ah.

57:26 26. Waxaan dhab ahaan soo dirnay Nuux iyo Ibraahiim, waxaana ka yeellay ubadkooda dhexdooda Nabinnimada iyo Kitaabka, waxaa ka mid ah kuwo hanuunay, in badani oo ka mid ahina waa caasiyaal.

57:27 27. Markaasaan raacinnay raadadkoodii Rusushayada, Waxaana raacinnay Ciise, wiilkii Maryam, oo siinnay Injiilka. Waxaana yeellay quluubta kuwii raacay isu danqasho iyo naxariis. Suufinnimadase 'adduun ka jeedsiga' [11] iyagaa unkaday oo billowday, Annagu kuma aan waajibin, waxay uun u faleen doonidda raalli ahaanshaha Alle darteed, mase ayan ilaalin dowgii ay laheyd. Markaa baan waxaan siinnay kuwoodii ka mid ahaa ee rumeeyey abaalgudkooda, intooda badanse waa caasiyaal.

57:28 28.Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Dhowra (amarrada) Alle oo rumeeya Rasuulkiisa, Wuxuu (Alle) idin siin labo saami oo Naxariistiisa ah, idiinna yeeli Nuur aad ugu socon (si toosan) oo idiin denbi dhaafi. Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.

57:29 29. Si ay ehlu-Kitaabku u ogaadaan inaysan hayn waxna ka mid ah Galladda Alle, iyo in Gallad oo dhan ay ku jirto Gacanta Alle [12], wuxuu siiyaa cidduu doono. Alle waa Rabbiga leh Galladda Weyn.