>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 540

57:19 19. Kuwa rumeeyey Allaah iyo Rusushiisa, Kuwaasu weeye run badnayaasha [8], shuhadaduna Rabbigood xaggiis waxay ka heli abaalgudkooda iyo nuurkooda. Kuwase gaalooba oo beeniya Aayadahayaga, kuwaasi waa ehlu Naarka.

57:20 20. Ogaada inay nolosha adduunkan tahay cayaar, madaddaalo, isqurxin, isu faan dhexdiinna iyo ku tartan badsiga maal iyo carruur, waa sida roobka soo saara naqa, bixiddiisuna tahay mid farax gelisa beeroleyda; markaasna engaga oo aad arki isagoo doorsoomayoo caddaaday, markaas noqon xaabo burbur ah. Aakhirose (waxaa jira) cadaab daran ama denbi dhaaf xagga Alle iyo Raallinnimadiisa. Nolosha adduunyana ma aha waxaan ahayn raaxo lagu dagmo.

57:21 21. U degdega denbi dhaaf ah xagga Rabbigiin iyo Janno ballaceedu yahay ballaca cirka iyo dhulka, loo diyaariyey kuwa rumeysan Allaah iyo Rusushiisa. Kaasi waa Galladda Alle uu siiyo cidduu doono. Alle waa Kan leh Galladda Weyn.

57:22 22. Ma jirto masiibo ku dhacda dhulka ama nafahiinna oo aan ku qornayn Kitaab [9], ka hor inta aanu keenin ifka. Hubaal, arrinkaasi waa wax u fudud Alle.

57:23 23. Si aydaan uga murugoon wixii idin seega, uguna aydaan farax taraarin wuxuu idin siiyo. Alle ma jecla mid kastoo isla weyn, faan badan.

57:24 24. Kuwa ah bakhayllada - amrana dadka bakhaylnimo. Qofkii (Xaqa ka) jeesadana, hubaal Alle waa Hodanka Deeqtoon, Ammaanan.