>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 538

57:4 4. Waa Isaga 'Alle' Kan ku abuuray samooyinka iyo arlada lix maalmood, markaas dul ahaaday Carshigiisa. Wuxuu Og yahay waxa gala arlada iyo waxa ka soo baxa, iyo waxa ka soo dega cirka iyo waxa kor u fuula. Wuuna idinla jiraa meel aad joogtaanba [2]. Alle Wuu Arkaa waxaad fashaan.

57:5 5. Isagaa (Alle) leh Boqortooyada samooyinka iyo arlada. Xagga Alle baa loo celiyaa umuuraha oo dhan.

57:6 6. Wuxuu Habeenka dhex gashaa maalinta, maalintana dhex gashaa habeenka (macnaha kala badiyaa), wuuna Ogsoon yahay waxa ku jira laabaha (dadka).

57:7 7. Rumeeya Allaah iyo Rasuulkiisa (Nabi Muxammad) oo wax ka bixiya waxaa uu idiinka dhigay wakiillo (maamulkiisa); kuwaa idinka mid ah ee rumeeya (Alle) oo wax bixiya [3] waxay leeyihiin Abaalgud Weyn (Jamno).

57:8 8. Maxaad leedihiin oo aad la rumeyn weydeen Alle, isagoo Rasuulku (Nabi Muxammad) idiinku yeedho inaad rumeysaan Rabbigiin, Isagoo idinka qaaday ballan adag, haddaad tihiin mu’miniin.

57:9 9. Waa Alle Kan ku soo dejiya Aayado cad addoonkiisa (Nabi Muxammad) si uu idiinkaga saaro mugdiyada xagga Nuurka. Hubaal Alle waa idiin Turid iyo Naxariis Badan yahay.

57:10 10. Maxaad leedihiin oo aad wax ugu bixin weydeen Jidka Alle? Alle baana leh dhaxalka samooyinka iyo arlada. Ma sinna kuwiinna wax bixiyey ka hor guusha iyo furashada (Makkah) oo diriray (iyo kuwiinna sidaa falay waa' dambe). Kuwaasi (hore) baa ka sarreeya darajo ahaan kuwa wax bixiyey oo diriray kaddib. Alle wuxuu u yaboohay (abaalgud) wanaagsan intaba. Alle waa u Xog Ogaal waxaad fashaan.

57:11 11. Waa kuma kan amaahinaya Alle amaah wanaagsan [4], markaas uu u labolaabo (ajarka), wuxuuna siin abaalgud wanaagsan (Janno).