Cabdullaahi Xasan Yacquub — 537
56:77 77. Hubaal kani waa Qur'aan Sharaf Badan.
56:78 78. Ku yaal Kitaab aad la dhowray (Looxa Maxfuudka).
56:79 79. Cidna taaban kuwa la daahiriyey mooyee (malaa’igta).
56:80 80. Waa soo dejinta Rabbiga uumanka.
56:81 81. Ma warkan (Qur’aanka) baad (gaaloy) u qaadataan wax fudud aan qiimo lahayn?
56:82 82. oo aad ka yeeleysaan (mahaddii) risiqiinna beenin (Xaqa).
56:83 83. Maxaydaan markay (naftu) dhuunta gaadho.
56:84 84. Idinkuna markaas aad u jeeddaan (qofka dhiman).
56:85 85. Annaguna (Alle ah Ogaal iyo Awood ahaan iyo malaa’igtayada) idiinka dhownahay, laakiinse aydaan arkayn.
56:86 86. Haddaad tihiin kuwo aan la soo bixineyn oo la xisaabineyn (Aakhirada).
56:87 87. Maxaad Ugu soo celin (weydeen) nafta (jirkeedii) haddaad run sheegeysaan?
56:88 88. Hadduu ka mid yahay kuwa loo soo dhoweeyo (Allaah).
56:89 89. Waxaa u ahaaday raaxo, reynreyn, reexaan udgoon iyo Janno barwaaqo ah.
56:90 90. Hadduu ka mid yahayse kuwa ah gacanta midig (ehlu Jannada).
56:91 91. Nabad baa idiin sugnaatay kuwa ahow gacanta midig.
56:92 92. Haddiise uu ka mid yahay (Xaq) beeniyayaasha, habowsanaaysaha ah.
56:93 93. Waxaa lagu sooryeen biyo kulul oo karaya.
56:94 94. Iyo ku gubasho Dabka aan dameyn ee ololka badan (Naarta).
56:95 95. Arrinkani waa run la hubo oo xaqiiq ah.
56:96 96. Ee xurmee oo huf Magaca Rabbigaa, Weynaha, Sharafta Badan.
57:1 1. Waxaa xurmo weyneeya oo (ceeb iyo nuqsaan ka) hufa Alle Waxa ku sugan samooyinka iyo arlada [1]. Waana Adkaadaha, Xikmadda Badan.
57:2 2. Isagaa (Alle) leh Boqortooyada samooyinka iyo arlada, wax nooleeya oo dhinsiiya; Isagaana wax walba Kara.
57:3 3. Waa Isaga (Alle) Kan horreeyey iyo Kan dambeyn, iyo Kan ka sarreeya wax walba ee kor jira (samada, Carshigiisa dushiisa) iyo Kan Dhowaanshaha Badan. Isagaana Wax walba Ogsoon.