Cabdullaahi Xasan Yacquub — 536
56:51 51. Markaas idinka kuwiinan habowsana- yaasha ahow, ee beeniyow (Qiyaamaha).
56:52 52. Waxaad wax ka cuneysaan geed xun oo Zaqquum ah [5].
56:53 53. Oo ka buuxineysaan caloolihiinna.
56:54 54. Waxaad ku dul cabbeyssan biyo kulul oo karkaraya.
56:55 55. U cabbeysaan sida cabbidda geel asqoobay.
56:56 56. Kaasi waa waxa lagu soori (gaalada) Maalinta Abaal marinta (Qiyaamaha).
56:57 57. Annagaa (Alle ah) idin abuurnay, ee maxaad la rumeyn weydeen?
56:58 58. Ma u fiirsateen minada idinka timaadda (biyo bixiinna - shawada)?
56:59 59. Ma idinkaa abuura mise waa Annaga (Alle ah) Abuurayaasha?
56:60 60. Annagaa idiin qaddarnay dhimashada dhexdiinna, mana jiro qof naga baxsan kara.
56:61 61. Inaan idinku beddelno kuwa idinla mid ah oo aan idiin soo saarno (qaabab iyo suurado) aydaan garaneyn.
56:62 62. Waadna og tihiin abuuriddii hore, ee miyeydaan waantoobeyn?
56:63 63. Ma u fiirsateen waxaad beertaan?;
56:64 64. Ma idinkaa soo bixiya, mise waa Annaga (Alle ah) Kuwa soo Bixiya?
56:65 65. Haddaan Doonno,waxaan ka dhigeynaa xaabo engagan, markaasaad ka xumaan.
56:66 66. (idinkoo leh): Waa nala khasaariyey.
56:67 67. Balse waa nala hoojiyey.
56:68 68. Ma u fiirsateen biyahaad cabtaan?
56:69 69. Ma idinkaa kuwa ka soo dejiya daruura- ha, mise Annaga weeye kuwa soo dejiya?
56:70 70.Haddaan doonno, Waxaan ka dhigeynaa jaan dhanaan oo milix ah (aan la dhami karin), ee maad ku shukridaan (Alle)?
56:71 71. Ma u fiirsateen dabka aad madagta ka shiddaan.
56:72 72. Ma idinkaa kuwa u soo saara geedaha, mise Annaga (Alle ah) weeye soo saarayaasha?
56:73 73. Annaga (Alle ah) baa waxaynu ka dhignay xusuus; iyo waxay ku intifaacaan kuwa ku safra saxraha 'iyo qeyrkoodba' [6].
56:74 74. Ee xurmee oo ku tasbiixso Magaca Rabbigaa, Weynaha, Sharafta Badan.
56:75 75. Mayee, waxaan ku dhaartay halkay xiddiguhu ku dhacaan.
56:76 76. Xaqiiqna waa dhaar weyn, haddaad ogaan lahaydeen.