>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 535

56:17 17. Waxaa u adeegi wiilal waaraya aanay da’ doorin, kuwaa oo kula wareegi doona,

56:18 18. Koobab iyo kirliyo iyo galaasyo (khamri saafi ah) xagga il socota (Jannada).

56:19 19. Aanu marnaba madaxu ku wareerin kuna maan guurin.

56:20 20. Iyo midho waxay doortaan ah.

56:21 21. Iyo hilib shimbiro kay rabaanba.

56:22 22. Oo (ay u wehelin doonaan) xuurul cayn.

56:23 23. La moodo luul la dhowray.

56:24 24. Waa abaalgud waxay camalsan fali jireen.

56:25 25. Kuma maqlaan (Jannada) hadal macno darro ah iyo denbi midna.

56:26 26. Waxaan ahayn odhaahda nabad nabad.

56:27 27. Kuwa ah Gacanta Midig, waayo kuwaa ah Gacanta Midig (ehlu Jannaha)?

56:28 28. (Waxay dhex ahaan) geedo gob aan qodax lahayn.

56:29 29. Iyo geedo Muus ah midho karooran.

56:30 30. Iyo har fidsan,

56:31 31. Iyo biyo u socda joogto,

56:32 32. Iyo midho tiro badan.

56:33 33. Marnaba aan go’eyn, la isuna diideyn.

56:34 34. iyo joodariyaal sare loo qaaday (oo sariiro saaran).

56:35 35. Waxaan Annaga (Alle ah) ka yeeli inay soo baxaan iyaga (haweenka Jannada) soo bixid gaar ah.

56:36 36. Kana dhigi bikrooyin ugub ah.

56:37 37. Gacalooyin (jecel nimankooda), isku wada da’ ah.

56:38 38. Oo ay leeyihiin kuwa ah Gacanta Midig.

56:39 39. Kuwo badan oo ka mid ah waa facyadii hore.

56:40 40. Kuwo badan oo ka mid ahna facyada dambe.

56:41 41.Kuwase ah Gacanta Bidix- waayo kuwaa ah Gacanta Bidix (ehlu Naarka)?

56:42 42. Waxay dhex ahaan hanfi kulul iyo biyo karkaraya.

56:43 43. Iyo hoos qiiq badan.

56:44 44. Aan laheyn qabow iyo arag fiican midna.

56:45 45. Waxay ahaayeen taa horteed (adduunka) kuwo ku raaxeysta (xaaraan).

56:46 46. Oo waxay ku adkeysan jireen Denbiga weyn (shirkiga).

56:47 47. Waxay odhan jireen: Ma markaan dhimanno oo noqonno carro iyo lafo, miyaa nala soo nooleyn (dhimashada kaddib)?.

56:48 48. Sidoo kale miyaa aabbayaashayadii hore (la soo nooleyn)?

56:49 49. Dheh, kuwii hore iyo kuwa dambaba.

56:50 50. Waxaa hubaal loo soo kulmin wada jir madal Maalin la yaqaan (Qiyaamada).