>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 534

55:70 70. Dhexdooda waxaa ah (afartaa beerood) xaasas khayr iyo qurux badnooyin ah.

55:71 71. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?

55:72 72. Xuurulceyn ku kooban oo aan ka bixin guryahooda.

55:73 73. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?

55:74 74. Aanay horey u taabanin insi iyo jin midkoodna.

55:75 75. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?

55:76 76. Iyagoo ku dangiigsan barkimooyin cagaaran iyo gogollo qurux badan.

55:77 77. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan [10]?

55:78 78. Waxaa barakadiisu badnaatay Magaca Rabbigaa, Weynaha, Sharafta Badan.

56:1 1. Markay dhacdada weyni dhacdo [1].

56:2 2. Ma jiro dhiciddeeda wax beenin.

56:3 3. Hoos u dhigeysa (ehlu Naarka) kor u qaadeysa 'ehlu Jannaha' [2].

56:4 4. Marka la gilgilo dhulka gilgilid daran.

56:5 5. Buuraha la ridqo ridqin daran.

56:6 6. Oo ay noqoto sida boor firdhisan.

56:7 7. Oo aad ahaataan (dadow) saddex nooc.

56:8 8. Kuwa ah Gacanta Midig, waayo kuwa ah Gacanta Midig?

56:9 9. Kuwase ah Gacanta Bidix, waayo kuwa ah Gacanta Bidix?

56:10 10. Kuwa u hor mara (Iimaanka iyo falashada camallada wanaagsan) iyagaa horreyn [3].

56:11 11. Waa kuwa loo soo dhoweyn (Ilaahay).

56:12 12. Waxay Ku sugnaan Beero barwaaqo ah gudahood (jannooyin).

56:13 13. (Ay geli) jameeco badan oo ah horraankii (ummadan iyo ummadaha kaleba).

56:14 14.Iyo in yar oo ka mid ah facyadii dambe [4].

56:15 15. Iyagoo ku sugnaan sariiro dahab lagu qurxiyey.

56:16 16. Ku dangiigsan korkeeda, si fool ka fool ah.