Cabdullaahi Xasan Yacquub — 533
55:42 42. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?
55:43 43. Tanu waa Jahannamadii ay beeniyeen denbiilayaashu.
55:44 44. Waxay ku meereysan dhexdooda Naarta iyo biyo kulul ee karaya.
55:45 45. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?.
55:46 46. Kii se ka cabsada hor istaagga Rabbigi, wuxuu mudan labo beerood (Jannada gudaheed).
55:47 47. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?
55:48 48. (Labadaa beerood oo) leh midabyo kala duwan iyo laamo.
55:49 49. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?.
55:50 50. Dhexdooda (labadaa beerood) waxaa ah labo ilood oo dur dur ah.
55:51 51. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?.
55:52 52. Dhexdooda waxaa ah (labadaa beerood) midho nooc kasta oo lammaane ah.
55:53 53. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?
55:54 54. Iyagoo ku dangiigsan firaashyo cudbi-goodu xariir yahay, midhaha labadaa beeroodna waxay ahaan kuwo goosi dhow.
55:55 55. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?
55:56 56. Waxaa ku sugan (Jannada) kuwaa soo laaba araggooda (ku kooba nimankooda keliya) ka hor iyaga aanu taaban insi iyo jin midkoodna.
55:57 57. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?
55:58 58. (Haweenkaa oo) la moodo dheeman iyo luul.
55:59 59. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?
55:60 60. Wanaag abaalkiisu ma waxaan ahayn baa wanaag?
55:61 61. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?
55:62 62. Barbarkoodana labadatani (beerood), waxaa ah labo beerood oo kale (Jannada).
55:63 63. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?
55:64 64. Madow cagaaran ah.
55:65 65. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?
55:66 66. Dhexdooda (labadaa beerood) waxaa ah labo ilood oo burqanaya.
55:67 67. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?
55:68 68. Waxaa (labadaa beerood) dhexdooda ah midho, geedo timir iyo Rummaan.
55:69 69. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?