>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 532

55:19 19. Wuxuu dareersiiyey labada badood [4] iyagoo kulmi.

55:20 20. Dhexdooda waxaa ah shareer (soohdin), iskuma xad gudbaan.

55:21 21. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?

55:22 22. Waxaa ka soo baxa labadaba luul mid weyn iyo mid yarba.

55:23 23. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?

55:24 24. Isagaa (Alle) leh doonyaha dhex maaxa [5] badda ee buuraha la moodo.

55:25 25. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?

55:26 26. Dhammaan waxa dhulka korkiisa ah way dhiman.

55:27 27. Waxaase waari abadki Wejiga Rabbigaa Haybadda iyo Sharafta Badan.

55:28 28. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?

55:29 29. Waxaa wax weydiista (Alle) waxa ku sugan samooyinka iyo arlada. Goor kasta wuxuu agaasimaa arrin.

55:30 30. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?

55:31 31. Waanu idinla xisaabtami labadiinna ciidammow culculus [6].

55:32 32. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?

55:33 33. Kulanka jinka iyo insigoow! Haddaad kartaan inaad ka soo gudubtaan nawaaxiga cirarka iyo dhulka, ka soo gudba. Ma ka soo gudbi kartaan amar la'aan (xag Alle ah).

55:34 34. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?

55:35 35. Wuxuu idinku soo diri olol naar ah iyo maar 'la dhalaaliyey' [7], ma kareysaan inaad is difaacdaan.

55:36 36. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?

55:37 37. Markay samadu dillaacdo oo ay noqoto gaduud sida idiinta [8].

55:38 38. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin [9] beenineysaan?.

55:39 39. Maalinkaas waxba lagama weydiiyo denbigooda Insi iyo Jinba (oo waa cad yihiin oo la og yahay, waase lagu qiri).

55:40 40. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?

55:41 41. Denbiilayaasha waxaa lagu aqoonsan astaamahooda, markaasaa laga soo qaban foodaha iyo cagaha (oo lagu tuuri Naarta).