>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 531

54:50 50. Amarkayaguna ma aha waxaan ahayn sida ilbiriqsi.

54:51 51. Waxaan dhab ahaan horay u hallignay kuwii idin la midka ahaa ee ma jiraan mid uun ku waantoobi?

54:52 52. Wax kastoo ay faleenna waxay ku yaalliin kutubta (camalladooda).

54:53 53. Wax walibana yar iyo weyn waxay ku yaalliin (Looxa Maxfuudka).

54:54 54. Hubaal kuwa ka dhowrsada (shirkiga iyo xumaha) waxay ku sugnaan beero iyo webiyo (Janno).

54:55 55. Fadhi sharfeed run ah oo (Allaah) Boqorka Awooda wax walba agtiisa ah.

55:1 1. (Allaah) Raxmaanka,

55:2 2. Wuxuu baray Qur'aanka.

55:3 3. Abuuray aadmiga.

55:4 4. Oo baray caddeynta (hadalka iyo waxa uu dooni).

55:5 5. Qorraxda iyo dayaxu waxay ku socdaan xisaab.

55:6 6. Xiddigaha iyo geedahuna way sujuudaan [1].

55:7 7. Samada wuu kor yeelay, wuxuuna dhigay caddaalad 'iyo garsoor wanaagsan'.

55:8 8. Si aydaan ugu xad gudbin cadaaladda.

55:9 9. Hagaajiya beegga si caadil ah, hana dhimina miisaanka.

55:10 10. Dhulka Wuxuu (Alle) degaan uga dhigay uumanka nool oo dhan.

55:11 11. Dhexdeeda waxaa ah midho iyo geedaha timirta ee fiidaha leh.

55:12 12. Iyo haruurka leh balka iyo dhir udug wanaagsan.

55:13 13. Ee taa baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan (dadka iyo jinkow)?

55:14 14. Wuxuu (Alle) ka abuuray Aadmiga dhoobo jilay oo kale ah.

55:15 15. Jinkana wuxuu ka abuuray olol dab [2].

55:16 16. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?

55:17 17. (Alle) waa Rabbiga labada bari iyo Rabbiga labada galbeed [3].

55:18 18. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?