>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 530

54:28 28. U sheeg in biyuhu yihiin qayb iyo kaltan dhexdooda ah, mid walbaa leeyahay cabbid maalin gaar ah.

54:29 29. Waxayse u dhawaaqeen saaxiibkood [6] oo soo qaatay (seef) oo boqna gooyey hashii (oo dilay).

54:30 30. Ee Sidee ahaa cadaabkeygii iyo digniinaheygii.

54:31 31. Waxaan ku soo dirnay dushooda dhawaaq keliya, markaasay waxay noqdeen sida jabad burburay ee dhulka laga xaaqo.

54:32 32. Waxaanu dhabtii sahalnay Qur’aanka si loo xusuusto, mase jiraa cid waantoobi?

54:33 33. Qoonkii Luud baa beeniyey digniinihii.

54:34 34. Waxaan ku dirnay dushooda dabeyl dhagaxyo wadata Reer Luud ma’ahee, waan badbaadinnay waaberiga hortiis.

54:35 35. Nicmo Xaggayaga ah, sidaasoo kale baan u abaal marinnaa qofkii (Alle) mahdiya.

54:36 36. Wuxuu (Luud) uga digay qolodiisii Qabashadayada daran, wayse ka doodeen oo shakiyeen digniinihii.

54:37 37. Oo waxay dhab ahaan dooneen inay martidiisii (faro xumeeyaan) markaasaan indha tirray ee dhadhamiya cadaabkeyga iyo digniinaheyga.

54:38 38. Waxaana ku waabariistay aroortiiba cadaab sugan.

54:39 39. Ee dhadhamiya Cadaabkeyga iyo Digniinaheyga.

54:40 40. Waxaanu dhabtii sahalnay Qur’aanka si loo xusuusto, mase jiraa cid waantoobi?

54:41 41. Waxaa u yimid qoladii Fircoon digniino.

54:42 42. Waxay beeniyeen Aayadahayagii oo dhan, markaasaan qabannay Qabasho Awood Badane, Karaan Badan.

54:43 43. Ma gaaladiinnan baa ka khayr badan kuwaas mise ma waxaad heysataan cafis idiinku qoran Kutabahayaga?

54:44 44. Mise ma waxay leeyihiin: Waxaanu nahay ciidan dhan oo guuleysan.

54:45 45. Waa la jabin ciidankooda, dabadayna jeedin.

54:46 46. Saacadda (Qiyaame) yaa ballan u ah, Saacadduna iyadaa daran oo kharaar.

54:47 47. Hubaal kuwa denbiilayaasha ah waxay ku sugan yihiin habow (adduunka), Aakhirona dhex ahaan dab ololaya.

54:48 48. Maalinka marka wejiyadooda lagu dhex jiidi Naarta (waxaa lagu odhan): Dhadhamiya taabashada Naarta.

54:49 49.Waxaan ku abuurnay wax kasta Qaddar.