>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 53

3:23 23. Miyaadan arag (xaalka) kuwaa (Yuhuudda ah) ee la siiyey qayb ka mid ah Kitaabka (Towraadda)? waxaa loogu yeedhaa Kitaabka Alle si uu u kala xukumo dhexdooda, markaasay qaar ka mid ah jeesadaan iyagoo (Xaqa) diiddan.

3:24 24. Waxaa arrinkani ugu wacan inay yidhaahdaan: Naar nama taabaneyso waxaan aheyn maalmo tirsan. Waxaana ku hoday diintooda waxay been abuuran jireen.

3:25 25. Ee sidee bay ahaan markaan isugu soo kulminno dhammaantood Maalin aan shaki ku jirin (Qiyaamada), naf walbana loogu oofiyo si dhan waxay kasbatay iyagoon la dulmayn?

3:26 26. Dheh: Allahayow! Kan Boqortooyada (runta ah) iska lahow, Waxaad siisaa boqortooyada midkaad doonto, oo ka qaaddaa boqortooyada midkaad doonto, waxaadna ciseysaa midkaad doonto, oo dulleysaa midkaad doonto. Gacantaada buu ku jiraa khayroo dhan. Hubaal Adigaa wax kasta Kara.

3:27 27. Waxaad habeenka dhex gelisaa maalinta, maalintana dhex gelisaa habeenka, kana soo saartaa wax nool wax dhintay, oo ka soo saartaa wax dhintay wax nool [6]. Waxaadna arzaaqdaa midkaad doonto xisaab la’aan.

3:28 28. Yeysan mu’miniintu ka dhigan gaalada sokeeye halkii mu’miniinta, qofkii sidaa fala, kama heli doono wax (gargaar ah) xagga Alle, inaad sidaa isaga ilaalineysaan mooyaane dhib xaggooda idiinka yimaada [7]. Alle wuxuu idiinka digi Naftiisa [8], xagga Alle baana lagu dambeyn.

3:29 29. Dheh: Haddaad qarisaan waxa ku jira laabahiinna ama muujisaan, Alle wuu ogsoon yahay, wuxuuna ogsoon yahay waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada. Alle wax walba wuu Karaa.