>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 529

54:7 7. Iyagoo arag dulleysan, waxay ka soo baxayaan qubuurahooda iyagoo la moodo ayax faafay.

54:8 8. U degdegaya dhinaca baaqaha, gaaladu waxay odhan: Kani waa Maalin daran.

54:9 9. Waxaa (Xaqa) beeniyey iyaga hortood Qolodii Nuux, waxay beeniyeen addoonkayagii (Nuux) oo yidhaahdeen: waa jinnoole, oo la handaday.

54:10 10. Markaasuu baryey Rabbigi (isagoo leh): Waa la iga adkaadaye ii soo hiilli.

54:11 11. Markaasaan ka soo furnay albaabadii daruuraha biyo da’aya oo badan.

54:12 12. Kana soo burqinnay dhulka ilo (biyo ah), markaasay biyihii (cirka iyo dhulka) is qabteen oo ku kulmeen arrin la qaddaray .

54:13 13. Waxaana (Nuux) ku qaadnay (Doonni) laga sameeyey Alwaax iyo masaamiir.

54:14 14. Ku socota indhahayaga hortood (waxaana harqinnay gaaladii) ka jaazeyn gaalnimadooda (iyo u hiillin ahaan Nuux).

54:15 15. Waxaana uga tagnay si ay u ahaato Calaamad (lagu waantoobo), ee ma jiraa mid ku waantoobi?

54:16 16. Ee Sidee ahaa cadaabkeygii iyo digniinaheygii?

54:17 17. Waxaanu dhabtii sahalnay Qur’aanka si loo xusuusto, mase jiraa cid waantoobi?

54:18 18. Reer Caad waxay beeniyeen (Xaqa), ee sidee ahaa cadaabkeygii iyo digniinaheygii.

54:19 19. Waxaan ku soo dirnay dushood dabeyl qabow badan maalin baaskeedu is daba joogo.

54:20 20. Iyadoo u majaxaabineysa dadka [3] sida inay ahaayeen geedo timir jirriddoodii la rujiyey.

54:21 21. Ee sidee ahaa cadaabkeygii iyo digniinaheygii.

54:22 22. Waxaanu dhabtii sahalnay Qur’aanka si loo xusuusto, mase jiraa cid waantoobi?

54:23 23. Reer Thamuud waxay beeniyeen digniinihii.

54:24 24. Waxay yidhaahdeen: Ma qof keliya oo naga mid ah (Saalix) yaan raaceynaa, markaas waxaanu ku sugannahay habow iyo heehaab (waalli).

54:25 25. Ma waxaa Wacdiga lagu soo dejiyey isaga oo nalaga dhex doortay? Mayee, waa beenlow isla weyn [4].

54:26 26. Berri bay ogaan, waa kee beenalaha, islaweynaha ah?

54:27 27. Waxaan soo direynaa Hal lagu imtixaani ee sug oo samir yeelo [5].