Cabdullaahi Xasan Yacquub — 528
53:45 45. Isagaa (Alle) abuuray labada nooc, labka iyo dheddigga.
53:46 46. Ka abuuray dhibic mino ah marka la shubo.
53:47 47. Isagayna saaran tahay soo celinta kale (abuurista Aakhirada).
53:48 48. Waa Isaga Kan wax hodmiya waxna faqiiriya;
53:49 49. Waana Rabbiga xiddiga Shicra [8].
53:50 50. Alle Isagaa halaagay Caadkii hore,
53:51 51. Iyo Thamuudba, waxnana kama reebin.
53:52 52. Iyo qolodii Nuux awal hore; waxay ahaayeen kuwo dulmi iyo xadgudub badan.
53:53 53. Iyo magaalooyinkii (Sodom iyo Gammurah) ee la rogay [9].
53:54 54. Markaasaa Waxaa daboolay wixii daboolay (oo cadaab ah).
53:55 55. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigaa ka doodeysaa oo ka shaki qabtaa?
53:56 56. Kanu (Nabi Muxammad) waa dige ka mid ah digayaashii hore.
53:57 57. Way soo dhowaatay Saacaddii (Qiyaame).
53:58 58. Ma jiro Alle ka sokow cid feydi kartaa (dhibaha iyo shiddooyinkeeda ama og waqtigeeda).
53:59 59. Ma waxaad la yaabban tihiin warkani weyn (Qur’aanka Kariimka)?.
53:60 60. Oo aad qoslaysaan (idinkoo beenin) oo aydaan ooyeynin (cabsi Alle darteed)?
53:61 61. Idinkoo iska haasaawaya.
53:62 62. Ee u sujuuda Alle oo caabuda (Isagoo Keliya idinkoon waxba u shariik yeelin).
54:1 1. Saacadda (Qiyaame) way soo dhowaatay, dayaxiina wuxuu u kala dhanbalmay labo gabal [1].
54:2 2. Hadday (gaaladu) arkaan mucjiso (xag Alle ah) waxay u jeestaan dhinac oo yidhaahdaan: Waa sixir is daba taxan.
54:3 3. Waxay beeniyeen (Xaqa) oo raaceen hawadooda. Arrin kastana wuxuu leeyahay meel uu ku sugnaado.
54:4 4. Waxaana dhab ahaan u yimid warar ku dheehan waano (iyo digniino).
54:5 5. Xikmad xeel dheer; maxayse u tartaa digidi (xaq diid).
54:6 6. Ee iskaga jeeso (Nabi Muxammadow); (oo dhowr) Maalinka uu baaquhu ugu baaqi wax daran [2].