Cabdullaahi Xasan Yacquub — 527
53:27 27. Hubaal kuwaa (gaalada mushrikiinta ah) aan rumeysnayn Aakhirada, waxay ku magacaabaan malaa’igta magacyo dheddig ah.
53:28 28. Iyagoo aan wax aqoon ah u laheyn. Waxay raacaan oo keliya malo, maluhuna waxba kama taro Xaqa.
53:29 29. Ee iskaga jeeso kan ka tegay Xuskayga (Qur’aanka) oo aan doonayn waxaan aheyn nolosha adduunka.
53:30 30. Kaasi waa intuu gaaray garaadkooda aqooneed. Rabbigaa waa Ogsoon yahay kan ka luma Jidkiisa, waana Ogsoon yahay kan hanuunsan.
53:31 31. Allaah baa iska leh waxaa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada, si uu uga abaal marsho kuwa fala xumaanta waxay falaan, iyo (inuu) ugu abaal gudo kuwa fala samaanta samaan (Janno).
53:32 32. Kuwa ka fogaada denbiyada waaweyn iyo xumaha, waxa yar yar ee ku soo dhaca maanankooda mooyaane - Rabbigaa waa mid leh denbi dhaaf ballaadhan. Wuuna idin og yahay, markuu idinka abuuray dhulka iyo markaadba ku asturan tihiin uurarka hooyooyinkiin, ee ha is ammaanina, Isagaa (Alle) Og kan ka dhowrsada xumaha.
53:33 33. Ee ma aragtay kan ka jeesaday (Islaamka).
53:34 34. Oo wax yar bixiyey [7], inta kalena ceshaday.
53:35 35. Ma wuxuu hayaa cilmiga waxaan muuqan, oo arkaa?
53:36 36. Mise waan loo sheegin wixii ku yiil waraaqahii Muuse -
53:37 37. Iyo Ibraahiim ee oofiyey 'amarradii Alle'.
53:38 38. Inaan nafna naf kale denbigeeda qaadeyn (inuu gacan ka geysto maahee).
53:39 39. Iyo inuusan aadmigu mudanin waxaan aheyn wuxuu shaqeysto (khayr ama shar).
53:40 40. Camalkiisana la arki doono.
53:41 41. Kaddibna looga abaal marin si buuxda.
53:42 42. Iyo in xagga Rabbigaa uu yahay meel noqodka dambe.
53:43 43.Waana Kan wax ka qosliya kana oohiya.
53:44 44. Isagaana wax dhinsiiya waxna nooleeya.