>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 526

53:1 1. Waxaan ku dhaartay xiddigaha markay dhacaan.

53:2 2. Saaxibkiin (Nabi Muxammad s.c.w.) ma ka habaabin (Jidka Toosan iyo hanuunka), (Xaqana) kama uusan lumin.

53:3 3. Ma ku hadlo hawadiisa.

53:4 4. Wax kale maahee (hadalkiisu) waa waxyi loo waxyooday.

53:5 5. Waxaa baray (oo xagga Alle ka soo gaarsiiyey) mid xoog weyn.

53:6 6. Ee muuqaal san, abuuraddiisuna dhan tahay 'waa Jabriil c.s.' [1].

53:7 7. Isagoo ku sugan halka ugu sarreysa jihada sare [2].

53:8 8. Markaasuu (Jabriil) soo dhowaaday oo in yar u soo jirsaday.

53:9 9. In le’eg labo qaanso xadhigeed ama ka dhow.

53:10 10. Markaasuu (Alle) u Waxyooday addoonkiisa (Nabi Muxammad s.c.w.) wuxuu u waxyooday [3].

53:11 11. Kama been sheegin Qalbiga wuxuu arkay [4].

53:12 12. Ma waxaad kala murmi wuxuu arkay (habeenkii Israha iyo Micraajka).

53:13 13. Wuxuuna dhab ahaan ku arkay (Jabriil) soo degid kale.

53:14 14. Dhammaadka xadka geedka gobka [5].

53:15 15. Waxaa agteeda ah Jannada hoyashada.

53:16 16. Markuu daboolay gobka waxa daboolay (oo qurux ah).

53:17 17. Aragga (Nabiga s.c .w) uma iilan dhinacna, mana dhaafin xadkii loo dhigay.

53:18 18. Wuxuu xaqiiq wax ka arkay Calaamooyinka Rabbigi ee waaweyn.

53:19 19. Ee (gaaloy) ka warrama (sanamyada) Al-Laat iyo Al-Cuzza.

53:20 20. Iyo Manaat, tan seddexaad ee kale [6]?

53:21 21. idinku ma waxaad leedihiin labka Isaguna dheddigga?

53:22 22. Tanu waa qayb dulun ah.

53:23 23. Ma aha wax kale aan aheyn magacyo aad bixiseen - idinka iyo aabbayaashiin - oo uusan Alle u soo dejin wax Xujo ah. Ma raacaan waxba aan ahayn male iyo waxa xun ay naftoodu u iilato, waxaana uga yimid xagga Rabbigood hanuun wacan (Islaamka).

53:24 24. Mise Aadmigu wuxuu leeyahay wuxuu jecleystoba?

53:25 25. Mayee, Alle baa iska leh tan dambe 'Aakhirada' iyo 'nolosha' horeba 'Adduunka'.

53:26 26. Badanaa inta malag jooga samooyinka, aysan shafeecadoodu waxba taraynin in Alle u idmo maahee cidduu doono oo ka Raalli yahay.