>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 525

52:32 32. Ma caqliyadooda (xun) baa ku amra sidaa (inay kaa been sheegaan Nabiyow), ma aha ee waa qolo xadgudub badan.

52:33 33. Mise waxay leeyihiin: Waa been abuurtay (Qur’aanka)? Mayee! Ma rumeysna (Xaqa).

52:34 34. Ee ha keenaan hadal la mid ahi (Qur’aankani) hadday run sheegayaan.

52:35 35. Mise waxaa la abuuray abuure la'aan, mise iyagaa abuuray nafahooda?.

52:36 36. Mise waxay abuureen samooyinka iyo arlada? Mayee, ma yaqiinsana.

52:37 37. Mise waxay hayaan khasnadaha Rabbigaa? Mise waxaa la siiyey awood dhan (mayee waa kuwo tabar daran, liita)?

52:38 38. Mise waxay leeyihiin sallaanno ay ku dhegaystaan (Ghaybka iyo warka samada); ee ha keeno dhegaystahoodu xujo cad.

52:39 39. Mise wuxuu (Alle) leeyahay gabdho idinkuna leedihiin wiilal?

52:40 40. Mise waxaad weydiisataa ujro, sidaa awgeed deyn la culaabeysan yihiin?

52:41 41. Mise waxay og yihiin waxa qarsoon aan muuqan oo ay qoraan?.

52:42 42. Mise waxay kula maaggan yihin dabin, kuwase gaalooba waa iyaga kuwa ku jaba dabinkooda.

52:43 43. Mise waxay leeyihiin ilaah aan ahayn Alle? Alle waa ka hufan yahay waxay la wadaajiyaan (cibaadada).

52:44 44. Hadday arkaan gabal cirka ka mid ah oo soo dhacaya [8] waxay odhan: Waa daruuro is dul saaran (cinaad darti).

52:45 45. Ee iskaga tag intay la kulmaan Maalinkooda ay la suuxi (qarracan).

52:46 46. Maalinka uusan dabinkoodu waxba u tareyn oo aan loo gargaareyn.

52:47 47. Waxay xaqiiq kuwa fala dulmiga (shirkiga iyo xumaha kale) la kulmi cadaab taa ka sokow 'adduunka gudahi' [9] badankooduse ma ay oga.

52:48 48. Ee ku samir (Nabiyow) xukunka Rabbigaa, waxaad tahay indhahayaga hortood, oo ku tasbiixso Ammaanaha Rabbigaa markaad soo kacdo.

52:49 49. Habeenka qaarkiisna tuko, iyo markay xiddiguhu dhacaan (oogga hore).