>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 524

52:15 15. Ma sixir baa (cadaabkani), mise wax ma aragtaan?

52:16 16. Gala, markaa ku samra ama ha ku samrina - waa isugu kiin mid, Waxaa uun laydinka goyn waxaad fali jirteen (oo xumaan ah).

52:17 17. Kuwa ka dhowrsada xumaha [6] waxay dhex ahaan beero iyo barwaaqo (Janno).

52:18 18. Iyagoo ku raaxeysan wuxuu siiyey Rabbigood, Wuxuuna ka badbaadshay Rabbigood cadaabka Naarta ololka badan.

52:19 19. (Waxaa lagu odhan): Cuna oo cabba si bogaadin leh. Waa abaalka waxaad fali jirteen (oo wanaag ah).

52:20 20. Waxay ku dangiigsan sariiro heer sare ahoo la safay. Waxaanna u guurin dumar leh indho waasic ahoo (qurux badan).

52:21 21. Kuwa (Xaqa) rumeeyey oo ay durriyadoodu ku raacdo Iimaanka - waxaanu isu wada keeni iyaga iyo durriyadooda, waxnana kama nusqaaminayno camalkooda. Qof walbaa wuxuu mudan (curaar u yahay) camalkiisa.

52:22 22. Waxaannu siin midho iyo hilib waxay rabaan.

52:23 23. Waxay isu dhiib-dhiibi galaas (khamro xalaal) ah aan lahayn wax ah laqwi iyo dambaabid.

52:24 24. Waxaa u adeegi wiilal yar yar ay leeyihiin, la moodo luul la dhowray.

52:25 25. Qaarkood (ehlu Jannaha) waxay qaabili qaar kale iyagoo is-wareysan.

52:26 26. Waxay odhan: Waxaan ka hor 'intaan adduunka joognay' ahayn kuwo ehelkayaga dhexdooda ka cabsada (cadaabka Alle).

52:27 27. Markaasuu Alle nagu manneystay (denbi dhaaf) oo naga dhowray cadaabka hanfiga kulul.

52:28 28. Waxaan ahayn horey kuwa barya Alle (Keliya).Waa Isaga xaqiiq Baarriga, Naxariista Badan.

52:29 29. Ee waani (Nabi Muxammadow), Waayo adigu ma tihid waa igu Nicmadda Rabbigaa, faallalow iyo jinnoole midna.

52:30 30. Mise waxay leeyihiin waa gabyaa, aan la sugno musiibo waqtiga la iman [7].

52:31 31. Dheh: Suga (geeridayda)! Aniguna waxaan sugi (waxa idinku dhaca).