>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 523

51:52 52. Waa sidaase, ma jiro Rasuul u yimid kuwii iyaga ka horreeyey oo aysan odhan: waa saaxir, ama jinnoole.

51:53 53. Miyey iskula dardaarmeen arrinkani [9]? Mayee’ waa qolo xadgudub badan.

51:54 54. Ee iskaga jeeso, kaama saarna eede.

51:55 55. Waani, waanadu waxay anfici mu’miniinta.

51:56 56. Uma aan abuurin jinka iyo insiga waxaan ahayn inay i caabudaan [10].

51:57 57. Kama doonayo wax risiq ah, kamana doonayo inay quudiyaan (uunkayga).

51:58 58. Hubaal waa Allaah Irsaaqaha, Rabbiga iska leh Awoodda sare, Xoogga Badan.

51:59 59. Xaqiiq kuwa fala dulmiga (shirkiga iyo macaasida) waxaa u sugnaaday saami 'Cadaab ah' la mid ah saamigii asxaabtood, ee waxba yey dalbin in aan u soo dedejiyo (cadaabka).

51:60 60. Hoog waxaa leh kuwa gaalooba, kaasoo ku iman Maalinkoodaasi loogu gooddiyey (Maalinta Qiyaamaha).

52:1 1. Waxaan ku dhaartay Buurta 'Siinaay' [1].

52:2 2. Iyo Kitaab qoran [2].

52:3 3. Ku qoran xaashiyo (maqaar ido khafiif ah) fidsan oo furan.

52:4 4. Iyo Guriga (Kacbada) la siyaarto [3].

52:5 5. Iyo saqafka la kor yeelay (samada).

52:6 6. Iyo badda lagu huriyey 'dabka ama soo fatahda' [4].

52:7 7. Hubaal, cadaabka Rabbigaa waa wax dhici oo sugan -

52:8 8. Ma jiro wax celin.

52:9 9. Maalinta markuu cirku hadba dhinac u wareegi,

52:10 10. Buuruhuna socon socosho (yaab) leh [5].

52:11 11. Hoog waxaa leh Maalinkaas kuwa (Xaqa) beeniya (ee nabad diidka ah).

52:12 12. Kuwa iska cayaara ee dhex gala xumaanta.

52:13 13. Maalinka loogu tuuri Naarta Jahannama si daran oo xoog leh (waxaa lagu dhihi):

52:14 14. Waa tan Naartii aad beenin jirteen.