Cabdullaahi Xasan Yacquub — 520
50:36 36. Badanaa inta fac aan halaagnay iyaga hortood, kuwaasoo ahaa kuwo ka xoog badan oo dhulalka xulay. Ma jirto meel (Alle) laga magan galo oo looga cararo.
50:37 37. Arrinkani waxaa hubaal ugu sugan waano kan qalbi leh ama maqalka raariciya isagoo baraarugsan.
50:38 38. Waxaanu dhab ahaan ku abuurnay samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya lix maalmood namana soo gaarin wax daal ah.
50:39 39. Ee u samir waxay leeyihiin, kuna tasbiixso Ammaanaha Rabbigaa ka hor qorrax soo baxa iyo ka hor intaanay dhicin.
50:40 40. Habeenka in ka mid ahna ku tasbiixso Ammaanahiisa iyo salaadaha ka dambow.
50:41 41. Dhageyso Maalinka markuu dhawaaquhu ka dhawaaqi meel dhow.
50:42 42. Maalinka ay maqli qaylo Xaq ah, kaasu waa Maalinka soo bixinta (Qiyaame).
50:43 43. Annagaa (Alle ah) xaqiiq wax nooleyna waxna dhinsiinna; waana Xaggayaga meel noqodka dambe (Aakhirada).
50:44 44. Maalinta uu dhulku ka dillaaci gaballo hoostooda, markaasay dhaqso ku soo bixi, kaasu waa soo kulmin noo fudud.
50:45 45. Annagaa ogsoon waxay (gaaladu) leeyihiin; adiguna ma ahid mid qasab ku leh. Ee ku waani Qur’aanka kan ka cabsada Gooddigayga.
51:1 1. Waxaan ku dhaartay (dabeylaha) boorka kiciya [1].
51:2 2. Iyo (duruuraha) xambaarsan culayska (roobka).
51:3 3. Iyo doonyaha sida fudud ugu socda (badaha).
51:4 4. Iyo kuwaa (malaa’igta) ku qaybiya (risiqa, roobka, iwm) Amarkeenna.
51:5 5. (Dadow) waxa la idiinku gooddin (Qiyaamada, Xisaabta) xaqiiq waa run.
51:6 6. Abaalmarintuna (jaazeynta Aakhiro) waa la hubaa inay dhaceyso.