Cabdullaahi Xasan Yacquub — 518
50:1 1. Qaaf [1]; Waxaan (waa Alle'e) ku dhaartay Qur’aanka Sharafka Badan [2].
50:2 2. Waxayse la yaabeen inuu u yimid dige ka mid ah (Nabi Muxammad). Gaaladu waxay yidhaahdeen: Kanu waa wax la yaab leh.
50:3 3. Ma markaan dhimanno oo aan noqonno carro (miyaa na la soo nooleyn)? (arrin)kaasu waa soo Noqosho Fog.
50:4 4. Waxaan ognahay wuxuu dhulku ka dhimo (jidhkooda). Agtannadana waxaa yaal Kitaab wax walba kooba oo xafidan (Looxa Maxfuudka).
50:5 5. Waxayse beeniyeen Xaqa markuu u yimid, waxayna (gaaladu) ku sugan yihiin xaalad murugsan.
50:6 6. Miyeyna fiirin samada korkooda ah, sidaan u dhisnay oo u qurxinnay, ma laha wax duleello ah?
50:7 7. Dhulkana waanu fidinnay, oo ku sugnay buuro, waxaana ka soo bixinnay dhexdiisa dhir qurxoon oo cayn walba leh.
50:8 8. Tusmo iyo waano u ah addoon kasta u soo noqda (Alle) oo tawbad keen badan.
50:9 9. Waxaanu ka soo dejinnaa daruuraha biyo (roob) barakaysan, oo aan ku soo saarnaa beero iyo baad.
50:10 10. Iyo geedo timireed dhaadheer leh fiido wax ka soo dhashaan oo is dul saaran.
50:11 11. Risiq ay leeyihiin addoomaha (Alle). Waxaana ku nooleynaa (biyahaa) dhul dhintay. Sidaasoo kale bay ahaan soo bixinta (Qiyaamada).
50:12 12. Qolodii Nuux baa beeniyey hortood [3], iyo qoladii ceelkii (Azerbaijan) iyo Thamuud.
50:13 13. Iyo Caad iyo Fircoon iyo Luud walaalihi.
50:14 14. Iyo reer hawdkii (loo diray Nabi Shucayb) iyo qolodii Tubbac (ee Yaman); dhammaan waxay beeniyeen Rususha, waxaana ku dhacay gooddigeyga.
50:15 15. Ma Waxaan ku daalnay abuuristii hore? Mayee, waxay ka shakisan yihiin abuuris cusub (Aakhirada).