>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 515

48:29 29. Muxammad waa Rasuulka Alle, kuwa la jirana waa qalbi sugan yihiin lidka gaalada, isu naxariis badan yihiin dhexdooda, waxaad arki iyagoo Rukuucsan, sujuudsan, dalbaya deeqda Alle (iyo) Raallinimodiisa. Astaamahooda waxay ka muuqdaan wejiyadooda raadka sujuuddooda darteed; Taasi waa tilmaantooda ku taal Towraadda. Tilmaantooda ku taalna Injiilka waa sida (abuur) la beeray, soo bixisay fiidda, markaas xoogeysatay oo noqotay gahayr, oo ku istaagtay iyadoo toosan salkeeda, farax geliseyna beeroleyda - si uu Alle ugu ciilo (tilmaamahooda) gaalada. Alle wuxuu u ballan qaaday kuwaa iyaga ah ee xaqa rumeeyey oo samaha falay denbi dhaaf iyo abaal gud weyn 'Janno' [10].

49:1 1. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha ka hor marinnina (qowlkiinna) (qowlka) Alle iyo Rasuulkiisa [1]. Alle ka cabsada. Hubaal Alle waa wax kasta Maqle, Wax kasta Og.

49:2 2. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha u qaadina kor codadkiinna si ka sarreysa codka Nabiga, hana kula tannaagoogina hadalka sida aad isugula tannaagootaan qaarkiinba qaarka kale, si aan camalkiinna u burin idinkoo aan dreemeyn.

49:3 3. Hubaal kuwa hoos u dhiga cododkooda marka ay hor joogaan Rasuulka Alle, waa kuwaas kuwa uu Quluubtooda Alle imtixaanay xagga dhowrsashadooda, waxay leeyihiin denbi dhaaf iyo abaalgud weyn (Janno).

49:4 4. Kuwase kaaga dhawaaqa qololka gadaashood, badankoodu ma aha wax garad.