>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 514

48:24 24. Alle waa Kan idinka celiyey gac- mahooda iyo gacmahiinna togga Makkah agti, kaddib markuu idin siiyey guusha oo aad ka adkaateen (kuwii idiin galay cimilka markaad u socoteen Makkah). Alle waa Arkaha waxaad fashaan.

48:25 25. Waa iyaga kuwa gaaloobay oo idinka celiyey Al-Masjid Al-Xaraam oo (ka xayiray) hadyiga inuu gaaro meeshiisa gawraca [7]. Haddii aysan jireen rag mu’miniin ah iyo haween mu’minooyin ah oo aydaan ogeyn, oo laga yaabo inaad wax yeeshaan, taasoo denbi idinka soo gaarayo iyo mashaqo ogaal la’aan darteed (Alle wuu idiin fasaxi lahaa); waa si uu Alle u geliyo Naxariistiisa cidduu doono. Haddii iyagu (mu’miniinta iyo gaalada) kala soocmi lahaayeen, waxaan cadaabi laheyn kuwooda gaaloobay cadaab xanuun badan.

48:26 26. Markuu Alle yeelay kuwa gaaloobay quluubtooda ficilo - ficiladii waqtigii jaahiliyada - Wuxuuse Alle ku soo dejiyey xasilloonidiisa Rasuulkiisa iyo mu’miniinta, waafajiyeyna ku sugnaanta Ereyga dhowrsashada [8], waxayna ahaayeen kuwo mudan oo ehelkeed ah. Alle wax walba waa Og yahay.

48:27 27. Alle wuu u rumeeyey Rasuulkiisa riyada si dhab ah: waxaad gali Masjidka Xaramka hadduu Alle idmo idinkoo aamin ah, (qaar) timaha ay xiidhan, (qaar kalena) ay gaabsan idinkoo aan cabsi qabin [9], Wuxuu Og yahay wax aydaan idinku ogeyn, markaasuu (gelitaanka Makka) ka sokow keenay furasho dhow 'Heshiikii Xudaybyah'.

48:28 28. Alle waa Kan la soo diray Rasuulkiisa Hanuun iyo Diin Xaq ah si uu uga sare mariyo diimaha kaloo dhan. Alle ku filan Marag uu ahaado.