>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 512

48:10 10. Hubaal kuwa kugula gala wacad (u hiillinta diinta) Waxay uun Wacad la gali Alle. Gacanta Alle baa ka kor ah gacmahooda [2]. Ee qofkii ka baxaa wacadkiisa, wuxuu uun uga baxayaa naftii- sa, qofkii oofiyana wuxuu kula galay Alle ballanka, Wuxuu siin Ajar Weyn (Janno).

48:11 11. Waxay kugu odhan kuwii ka haray (jihaadka) ee ah reer miyiga (deggan Madiinah hareeraheeda): Waxaa na shuqliyey Maalkayaga iyo ehelkayaga, ee noo denbi dhaaf dalab. Waxay ka yidhaahdaan carrabyadooda waxaan ku jirin quluubtooda. Dheh: Yaa idinka celin Alle hadduu idin la doono dhib ama idin la doono dheef? Alle waa u Xog Ogaal waxaad fashaan.

48:12 12. Waxaadse u maleyseen in Rasuulka iyo mu’miniintu aysan u soo noqoneyn ehelkooda weligood, sidaasaana loo qurxiyey quluubtiinna, oo maleyseen malooyin xun, waayo waxaad tihin qoon belo ah (aan khayr lahayn).

48:13 13. Qofkaan rumeyn Alle iyo Rasuulkiisa, hubaal Waxaanu u diyaarinnay gaalada dab huraya.

48:14 14. Allaah baa iska leh Boqortooyada (runta ah ee) samooyinka iyo arlada, wuxuu u denbi dhaafaa qofkuu doono, oo cadaabaa qofkuu doono. Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.

48:15 15. Waxay kuwaasi ka haray (jihaadka) odhan: Markaad u baxeysaan si aad u soo qaadataan qaniimooyinka (Khaybar): Noo oggolaada inaan idin raacno. Waxay doonayaan inay beddelaan Hadalka Alle. Dheh: Marnaba nama raaceysaan. Sidaasuu Alle horay u yidhi. Markaa waxay odhan: Mayee’ waad na xasdeysaan.Waase kuwo aan wax fahmeyn in yar mooyee [3].