Cabdullaahi Xasan Yacquub — 509
47:20 20. Kuwa (Xaqa) rumeeyey waxay yidhaahdeen: Maxaa Suurad loo soo dejin waayey (na amreysa ku jihaadka gaalada)? Markase la soo dejiyo Suurad cad yahay amarkeedu oo dagaal gal lagu xuso [9], waxaad arkaysaa kuwa uu qalbigoodu ku jiro cudur (nifaaq) oo kugu soo fiirin fiiro ruux sakaraatul mowd hayo oo kale. Waxaase la gudboon oo u khayr roonaan lahaa.
47:21 21. Daacadnimo iyo horaarsan. Markase arrinka la go’aamiyo hadday Alle u run sheegaan baa u khayr badnaan lahayd.
47:22 22. Ma laga yaabaa haddaad (Xaqa) ka jeesataan [10], inaad fasahaadisaan arlada, oo goysaan qaraabadiinna?
47:23 23. Kuwaasi weeye kuwa uu Alle nacladay, markaasuu ka dhego iyo indho tiray (Xaqa).
47:24 24. Miyeyna u dhug yeelan Qur’aanka mise qufulaa ku xidhan quluubtooda.
47:25 25. Hubaal kuwa riddoobay kaddib marka hanuunka u caddaaday, shaydaan baa u qurxiyey oo rajo (been ah) geliyay.
47:26 26. Sidaasi waxaa ugu wacan waxay ku yidhaahdeen kuwa nacay [11] waxa Alle soo dejiyey oo Waxyi ah: Waxaynu idinku adeeci arrinka qaarkiis (colnimada Nabiga). Alle wuu Og yahay sirahooda.
47:27 27. Sidee bayse ahaan, markay malaa’igtu qaadayso nafahooda iyagoo garaacaya wejiyadooda iyo dhabarradooda.
47:28 28. Sidaasi waxaa ugu wacan waxay raaceen waxa Alle ka cadheysiiya, naceenna waxa raalli geliya. Markaasuu buriyey acmaashooda.
47:29 29. Mise ma waxay moodaan kuwa uu ku jiro quluubtoodu cudur (munaafiqnimo ah) inuusan Allaah soo saareyn xumaanta laabaha kaga jira?.