Cabdullaahi Xasan Yacquub — 508
47:12 12. Hubaal Alle wuxuu gelin kuwa (xaqa) rumeeyey oo fala samaha beero (Jannooyin) ay hoos qul-qulaan webiyo, kuwa gaalada ahina way iska raaxeystaan oo wax u cunaan sida xooluhu wax u cunaan, Naartana waa hoygooda.
47:13 13. Badanaa inta magaalo ka xoog badan magaaladaada ku soo saartay, aan ha- laagnay,marka ma jirin wax u soo gargaara.
47:14 14. Ma qof (mu'min ah) xujo cad ka haysta Rabbigi, baa la mid ah qof (gaal) camalkiisa xun loo qurxiyey, oo raaca hawadooda.
47:15 15. Tilmaanta Jannada loo ballan qaaday kuwa ka dhowrsada (xumaha) waa mid gudaheeda ay yihiin webiyo biyo ah oo aan isbeddelin [7], iyo webiyo caano ah oo uusan dhadhankoodu marnaba doorsoomin, iyo webiyaal khamro (xalaal) ah oo u macaan kuwa cabba, iyo webiyaal malab ah la saafi yeelay; waxayna ku leeyihiin (Jannada) gudaheeda midho nooc kasta iyo astur xagga Rabbigood, (kuwani) ma la mid baa kuwaa ku waaraya Naarta, lagana waraabin biyo karaya markaas goyn xiidmahooda.
47:16 16. Waxaa ka mid ah (munaafiqiinta) kuwo ku dhegaysta (waqtiga khudbadda), markay ka baxaanna agtaada, waxay ku yidhaahdaan kuwaa la siiyey cilmiga [8]: Muxuu lahaa goor dhoweyd? Kuwan waa kuwa Alle daboolay quluubtooda, waxayna raacaan hawadooda (xun).
47:17 17. Kuwa hanuunayna, (Alle) wuxuu u kordhiyaa hanuun, oo uu ku galladeystaa khayr uu waafajiyo iyo shar uu ka fogeeyo.
47:18 18. Ma waxay sugayaan waxaan ahayn Saacadda (Qiyaame) inay ugu timaaddo kedis? Waxaase yimidba calaamooyinkee- dii, ee sidee bay u waantoobi, markay saacaddu ku dul dhacdo.
47:19 19. Ee ogow (kuna sugnow) inuusan jirin Ilaah (Xaq lagu caabudo) aan aheyn Alle, una denbi dhaaf dalab naftaada iyo mu’miniinta iyo mu’minooyinka. Alle wuu Og yahay socsocodkiinna iyo negaantiinnaba.