Cabdullaahi Xasan Yacquub — 507
47:1 1. Kuwa gaalooba oo ka hor istaaga (dadka) Jidka Alle wuxuu (Alle) burin acmaashooda san [1].
47:2 2. Kuwase (Xaqa) rumeeyey oo fala samaha oo rumeeyey (Qur’aanka) lagu soo dejiyey Muxammad oo ah Xaq ka yimid Rabbigood, wuxuu (Alle) ka tiritiri xumahay faleen, hagaajinna xaalkooda [2].
47:3 3. Sidaas waxaa ugu wacan kuwaa gaalooba waxay raacaan been iyo baadil aan jirin, kuwase mu'miniinta ah waxay raacaan Xaqa ka yimid Rabbigood. Sidaasuu Alle ugu soo tusaale qaadaa dadka.
47:4 4. Ee markaad kula kulantaan dagaal gaalada ka garaaca luqumaha; markaad jabisaanna, ku adkeeya xadhigga 'maxaabiista dagaalka' [3], intaa kaddib ku sii daaya axsaan fal [4] ama ha is furteen jeer ay car-carta dagaalku degto (oo nabaddu faafto). Waa sidaase, haddii Alle doono, Isaga Naf ahaantiisa baa ka aarsan lahaa (dagaal la'aan), waase si uu ugu imtixaano qaarkiinba qaar kale [5]. Kuwa lagu dilaa Jidka Alle marnaba (Alle) ma luminayo camalladooda.
47:5 5. (Alle) wuu hanuunin kuwaas oo hagaajin xaalkooda.
47:6 6. Wuxuu gelin janno uu uga yeelay wax ay yaqaanaan.
47:7 7. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Haddaad u gargaartaan (diinta) Alle, Wuu idiin gargaari oo idiin sugi cagahiinna.
47:8 8. Kuwase gaalooba, hoog baa u sugnaaday, wuuna burin camalladooda.
47:9 9. Waxaa sidaas ugu wacan waxay naceen waxa uu Alle soo dejiyey (oo Xaq ah), markaasuu ka yeelay acmaashooda waxaan waxba ka jirin.
47:10 10. Miyeyna marin dhulka oo fiirin siday aheyd cidhibta kuwii ka horreeyey? Alle baa ku keenay baabba’ dhan [6], gaaladuna waxay la kulmi isla aayahaas oo kale.
47:11 11. Sidaas waxaa ugu wacan in Alle yahay gargaaraha kuwa rumeysan, gaaladuna ma leh gargaare dhab ah.