Cabdullaahi Xasan Yacquub — 503
46:6 6. Marka dadka la isu wada keenana ahaan cadowyadooda, oo ahaan kuwo caabudiddooda dafira.
46:7 7. Marka Aayadahayaga cad loo akhriyo, waxay kuwa gaalada ahi ka yidhaahdaan Xaqa markuu u yimaado: Kani waa sixir cad.
46:8 8. Mise ma waxay leeyihiin: Waa uu been abuurtay (Qur’aanka). Dheh (Nabiyow): Haddaan been abuurtay, waxba iigama tareysaan xagga Alle; Isagaa Ogsoon waxaad dhumbataan 'oo been ah' [2]. Alle baana marag ugu Filan dhexdeenna aniga iyo idinka. Waana Isaga Denbi Dhaaf Badanaha, Naxariista Badan.
46:9 9. Dheh: ma ahi Rasuul kii ugu horreeyey oo ka mid ah Rususha [3] mana ogi (cilmi Ghaybka iyo) waxa laygu fali aniga ama idinka. Anigu ma raaco waxaan ahayn waxa la ii waxyoodo (ee Qur’aanka ah), aniguna ma ahi waxaan ahayn dige cad.
46:10 10. Dheh: Bal ka warrama hadduu (Qur’aanka) ka yimid xagga Alle, oo aad ku gaalowdeen, uuna ka marag furay marag fure ka mid ah ilmahii Israa’iil [4] inuu la mid yahay (Towraadda), markaasuu rumeeyey [5] halka aad idinku is kibriseen. Hubaal Alle ma hanuuniyo qoloda daalimiinta ah (gar ma qaatayaasha).
46:11 11. Waxay kuwii gaaloobay ku yidhaahdeen kuwii (Xaqa) rumeeyey hadduu khayr yahay noogama horreeyeen [6] rumeyntiisa, maadaamayna dooneyn inay ku hanuunsamaan, waxay yidhaahdaan: Kanu (Qur’aanka) waa beenihii hore.
46:12 12. (Qur’aanka) hortina waxaa ahaa Kitaabka Muuse hanuun iyo naxariis, kanina waa Kitaab rumeyn oo af Carabi ah si uu ugu digo kuwa fala dulmiga (shirkiga iyo macaasida), waana u bishaaro kuwo sama falayaasha ah.
46:13 13. Hubaal, kuwa yidhaahda: Rabbigayo waa Allaah, markaas toosnaada [7], ma aha cabsi dushooda, mana murugoonayaan.
46:14 14. Kuwaa waa ehlu Jannaha iyagoo ku waaraya dhexdeeda - abaalgud ahaan waxay camalsan faleen darteed.