>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 502

45:33 33. Waxaa u muuqan (gaalada) xume waxay faleen (ciqaabteedii), waxaana koobi waxay ku jees-jeesi jireen (oo cadaab ah).

45:34 34. Waxaana la odhan: Maanta waan idin halmaameynaa (idiinka tegi Naarta) sida aad u halmaanteen la Kulanka Maalintiinnaan (aydaan ugu diyaar garoobin Towxiid iyo camallo san), hoygiinnuna waa Naarta, mana jiro cid idiin soo gargaari.

45:35 35. (Cadaab)kaasi waxaad ku mudateen inaad ka dhigateen Aayadahii Ilaahay jees-jees, noloshii adduunka baana idin hodday. Marka Maanta lagama soo saarayo halkaa, lagamana yeelayo cudur daarasho.

45:36 36. Ee Ammaan idilkeed iyo Mahadba Alle baa u mudan, Rabbiga samooyinka iyo Rabbiga arlada, Rabbiga uumanka oo dhan.

45:37 37. Isagaa (Alle) iska leh Weynaan (oo dhan) samooyinka iyo arlada gudahooda, waana Adkaadaha, Xakiimka ah.

46:1 1. Xaa Miim [1].

46:2 2. Soo dejinta Kitaabka (Qur’aanka) waa xagga Alle, Adkaadaha, Xakiimka ah.

46:3 3. Uma aanu abuurin samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya waxaan aheyn Xaq iyo Muddo magacaaban. Kuwase gaalooba dhinac bay uga jeestaan waxa looga digo (oo cadaab ah).

46:4 4.Dheh: Bal ka warrama waxaad caabudey- saan Alle sokadi? I tusa maxay abuureen oo ka mid ah arlada, mise ma waxay ku leeyihiin qayb samooyinka? Ii keena Kitaab kan (Qur’aanka) horti ah ama wax raad cilmi (hore) ah (oo daliil u ah waxaad leedihiin) haddaad run sheegeysaan.

46:5 5. Yaa ka lunsanaan badan mid barya (caabuda) Alle sokadi kuwo aan wax jawaab ah u soo celineyn ilaa Maalinta Qiyaamaha oo ah kuwo moog baryadooda?