Cabdullaahi Xasan Yacquub — 501
45:23 23. Ka warran mid ka yeesha hawadiisa ilaahiisa, oo Alle u lumiyey ogaal oo daboolay maqalkiisa iyo qalbigiisa, yeelayna caad araggiisa. Yaa hanuunin Alle kaddib? Miyeydaan waansameyn?
45:24 24. Waxay yidhaahdeen: Ma jirto waxaan ahayn noloshayada adduunkan, waa iska noolaannaa [6] oo dhimannaa namana halaagaan waxaan aheyn waayaha. Uma laha (arrin)kaasi wax cilmi ah, way uun iska malo awaali.
45:25 25. Marka Aayadahayaga cad loo akhriyo, dooddoodu ma aha wax kale aan aheyn inay yidhaahdaan: (Dib) Noogu keena aabbayaashayo (meytan) haddaad run sheegaysaan.
45:26 26. Dheh: Alle baa idin nooleyn, haddana idin dhinsiin, haddana idiin soo kulmin Maalinta Qiyaamaha aan shaki ku jirin, dadka badankiisuse ma oga.
45:27 27. Allaah ba iska leh Boqortooyada (runta ah ee) samooyinka iyo arlada. Maalintay Saacadda (Qiyaame) dhacdo, Maalintaasay khasaari ehlu baadilka.
45:28 28. Waxaad arki ummad waliba iyagoo jilbo jabsan, ummad kasta waxaa loogu yeedhi Kitaabkii (camalkeeda); Maanta waxaa la idinku abaal marin waxaad fasheen.
45:29 29. Kani waa Kitaabkayaga oo idiinka hadlaya si xaq ah, Waanu qoraynay waxaad camal faleyseen [7].
45:30 30. Kuwa (Xaqa) rumeeyey oo sama falay, Rabbigood wuxuu galin Naxariistiisa (Jannada), taasina waa Liibaanta Cad.
45:31 31. Kuwase gaaloobay (waxaa lagu dhihi): Sow ma ahayn Aayadahayga kuwo la idiin akhriyo? Waxaadse aheydeen kuwo isla weyn oo aheydeen qolo denbiilayaal ah.
45:32 32. Marka la yidhaahdo: Ballan qaadka Alle waa Xaq, Saacadda (Qiyaamana) shaki kuma jiro, waxaad tidhaahdeen: Ma naqaan waxay Saacaddu tahay, waan maleyn uun malo (aan xag jirin), mana nihin kuwo huba (arrinkaasi).