>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 500

45:14 14. Waxaad ku dhahdaa kuwa (Xaqa) rumeeyey inay iska dhaafaan [2] kuwa aan ka rajo qabin Ayaamaha Alle [3], si uu ugu abaal mariyo qolo waxay kasbadeen.

45:15 15. Qofkii sama fala naftiisay dan u tahay, kiina xumaan fala waa dushiisa. Waxaana dib la idiinku soo celin xagga Rabbigiin.

45:16 16. Waxaan dhab ahaan siinnay reer Israa’iil Kitaabka (Towraadda) iyo xukun [4] iyo Nabinnimo, waxaana ku arsaaqnay waxyaalaha wanaagsan, oo ka faddilnay dadkii (waqtigoodii).

45:17 17. Waxaanu siinnay xujooyin cad oo arrimaha nolosha la xiriira, ismana khilaafin kaddib intuu u yimid cilmiga maahee, xasad dhexdooda ah awgi. Rabbigaa waa u kala garsoori dhexdooda Maalinta Qiyaamaha waxay isku khilaafsanaayeen.

45:18 18. Markaas waxaanu kuu yeelnay waddo cad oo amar (keenna) ah ee raac, hana raacin hawada kuwa aan wax ogeyn.

45:19 19. Iyagu kaagama taraan xagga Alle waxba; daalimiintana waa isu sokeeye qaarba qaarka kale. Alle waa Gargaaraha kuwa ka dhowrsada (xumaha).

45:20 20.Kuwakani waa u tusmooyin cad dadka, iyo hanuun iyo naxariis ciddii wax yaqiinsan.

45:21 21. Mise ma waxay moodaan kuwa kasbada xumaha inaan la mid dhigeyno kuwa (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala, oo noloshooda [5] iyo geeridooda sinnaan? Xumaa siday wax u xukumaan.

45:22 22. Allaah wuxuu u abuuray samooyinka iyo arlada xaq iyo in naf waliba laga abaal mariyo waxay kasbatay iyagoon la dulmineyn.