>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 50

3:1 1. Alif – Laam - Miim [1].

3:2 2. Allaah, Ma jiro Ilaah (xaq lagu caabudo) aan Isaga ahayn, Noolaha Daa'inka ah, Daryeelaha waxa uunka jira oo dhan,

3:3 3. Wuxuu kuugu soo dejiyey (Nabiyow) Kitaabka (Qur’aanka) si xaq ah, isagoo rumeyn wixii ka horreeyey (oo Kutub Alle ah), Wuxuuna soo dejiyey Towraadda iyo Injiilka,

3:4 4. Kal hore, hanuunin dadka, oo wuxuu soo dejiyey Al-Furqaan (Qur’aanka). Hubaal kuwa aan rumeynin Aayaadaha Alle, waxay leeyihiin cadaab daran. Alle waa Adkaade, Aargoosi leh.

3:5 5. Hubaal, Alle waxba kama qarsoona ku sugan arlada ama samada.

3:6 6. Waa Kan idiinku sawira (qaab siiya) ilma galeennada siduu doono. Ma jiro ilaah (xaq lagu caabudo) aan Isaga ahayn, waa Adkaadaha, Xakiimka ah.

3:7 7. Waa Isaga Kan kugu soo dejiyey (Nabiyow) Kitaabka (Qur’aanka), qaar ka mid ah Aayadahiisa xukunkoodu cad yihiin, waa iyaga aasaaska Kitaabka, qaar kalena waa kuwo isu eg (oo macno kala duwan leh). Marka ma kuwa ay quluubtoodu ku jirto weecashada, waxay raacraacaan kuwa isu eg iyagoo doonaya inay wax ku habaabiyaan oo doonaya inay ka bixiyaan fasir iskood ah [2], umase cilmi laha fasirkiisa waxaan aheyn Alle. Kuwana ku xeel dheer cilmiga waxay yidhaahdaan: Waanu rumeysannahay; dhammaantood iyagu waa xagga Rabbigayo. Mana xusuusataan oo waantoobaan wax garadka mooyee.

3:8 8. Rabbigayow! Ha weecin quluubtayada kaddib markaad na hanuunisay [3], noogana hibee xaggaaga Naxariis. Waxaad Adigu tahay Kan Deeq Bixinta Badane.

3:9 9. Rabbigayow! Adigaa isu soo kulmin dadka Maalin aan shaki lahayn (waa Qiyaamada); Alle ma ka baxo Ballankiisa.