Cabdullaahi Xasan Yacquub — 499
45:1 1. Xaa Miim [1].
45:2 2. Soo dejinta Kitaabka (Qur’aanka) waa xagga Alle, Adkaadaha, Xakiimka ah.
45:3 3. Xaqiiq, waxaa samooyinka iyo arlada ugu sugan calaamooyin mu’miniinta.
45:4 4.Iyo abuuristiinnaba iyo wuxuu (Alle) ku fidiyey (ku abuuray dhulka) oo nafley socota ah, waxaa ugu sugan calaamooyin ciddii yaqiinsan.
45:5 5. Iyo isdhaafka habeenka iyo maalinta iyo waxa uu Alle ka soo dejiyo daruuraha oo risiq (roob) ah, markaas uu ku nooleeyo arlada dhimashadeeda kaddib, iyo gadgaddoonka dabeylaha waxaa ugu sugan calaamooyin ciddii fahmi.
45:6 6. Kuwakani waa Aayadaha Alle aan kuugu akhrinno (Nabiyow) si xaq ah, ee hadalkee bay Alle iyo Aayadihiisa kaddib rumeyn?
45:7 7. Hoog waxaa leh beenaale kastoo denbiile ah.
45:8 8. Ee maqla Aayadaha Alle oo loo akhriyo, haddana ka dhega adayga isagoo islaweyn sida inaanu maqalba. Ee ugu bishaaree cadaab xanuun badan.
45:9 9. Markuu wax ka ogaadana Aayadahayaga, wuxuu ka dhigtaa jees-jees. Kuwaa weeye kuwa mudan cadaab dulleysa.
45:10 10. Waxaa ka dambeysa Naar, waxna uma taraan waxay kasbadeen, iyo midna kuwaa ay ka dhigteen awliyo (gargaarayaal ama difaacayaal) Alle ka sokow, waxayna leeyihiin cadaab Daran.
45:11 11. Kani (Qur'aanku) waa hanuun. Kuwase ku gaalooba Aayadaha Rabbigood, waxay leeyihiin cadaab daran oo xanuun badan.
45:12 12. Alle waa Kan idiin sakhiray badda, si ay ugu socdaan Doonyuhu dhexdeeda Amarkiisa, iyo si aad u raadsataan Deeqdiisa, iyo inaad ku mahdisaan.
45:13 13. Wuxuu kaloo idiin sakhiray waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada, dhammaan waa Gallad iyo Naxariis Xaggiisa ah. Hubaal, waxaa (arrin) kani ugu sugan calaamooyin ciddii fikiri.