Cabdullaahi Xasan Yacquub — 498
44:40 40. Maalinta kala Baxa yaa u ballan ah dhammaan.
44:41 41. Maalintaan qaraabannimo waxba laysugu tareyn laysuna gargaareyn.
44:42 42. Mid uu Alle u Naxariisto ma’ahee: hubaal waa Adkaadaha, Naxariista Badan.
44:43 43. Hubaal geedka Zaquumka,
44:44 44. Waa cunnada denbiilaha,
44:45 45. Sida laami buu ugu kar-kari caloolaha (gaalada).
44:46 46. Sida kar-karka biyo aad u kulul.
44:47 47. (Waxaa la dhihi): Qabta (gaalka), oo u jiida Naarta bartankeeda.
44:48 48. Markaas ku shuba madaxiisa korkiisa cadaabka biyo kar-karaya.
44:49 49. (Waxaa lagu dhihi): Dhadhami (Cadaabka), Waxaad (iska yeeleysay) inaad tahay adkaadaha, sharafta leh [10].
44:50 50. Hubaal kanu (Cadaabka) waa waxaad ka shaki qabteen oo ka doodeyseen.
44:51 51. Hubaap kuwa (u) hoggaansan (Amarrada Alle) ee iska jira (xumaha) waxay ku sugnaan meel aamin ah (Janno).
44:52 52. Beero dhexdood iyo ilo.
44:53 53. Waxay xidhan xariir jilicsan iyo mid adagba, iyagoo u fadhiya fool ka fool (si farxad iyo reyn reyn leh).
44:54 54. Waa sidaase, Waxaanu u guurin xuurul ceyn.
44:55 55. Waxay u yeedhan midho nooc kasta ah, iyagoo nabdoon [11].
44:56 56. Ma ku dhadhaminayaan (jannada) dhexdeeda dhimasho aan aheyn dhimashadii hore, wuxuuna (Alle) ka dhowray cadaabka Naarta Ololka badan.
44:57 57. Waa fadli xagga Rabbigaa ah. (Arrin)kani weeye Liibaanta Weyni.
44:58 58. Waxaan uun ugu fududaynay Qur’aanka carrabkaaga inay ku waantoobaan.
44:59 59. Ee dhowr (oo eeg xaalkooda); iyaguna waxay dhowrayaan (waxaad ku dambeysaan).