Cabdullaahi Xasan Yacquub — 497
44:19 19. Ha iska sare yeelina Alle. Waxaan idiinla imid xujo cade.
44:20 20. Waxaana ka magan galay Rabbigay iyo Rabbigiin inaad i dhagaxyeysaan [6].
44:21 21. Ee hadddaydaan i rumeyn, iga fogaada (I daaya).
44:22 22. Markaasuu (markay beeniyeen) u dhawaaqay Rabbigi (isagoo leh): Kuwakanu waa qolo denbiilayaal ah.
44:23 23. (Alle wuxuu yidhi), "La Guuree (Muusow) addoomahayga habeennimo. Waa la idin soo daba galiye.
44:24 24. Oo dhaaf baddoo deggan [7] oo qaybsan: waa ciidan la qarqine".
44:25 25. Intee bay ka tageen beero iyo ilo.
44:26 26. Iyo dalagyo iyo degaan wanaagsan.
44:27 27. Iyo nicmooyin ay ku raaxaysanayeen.
44:28 28. Waa sidaase! Waxaanu dhaxalsiinnay qolo kale (reer Israa’iil).
44:29 29. Uma ay ooyin samada iyo arladu, lamana siin wax fursad (kansho) ah.
44:30 30. Waxaana dhab ahaan ka badbaadinnay ilmihii Israa’iil cadaab wax dulleeya.
44:31 31. Xagga Fircoon ah; wuxuu ahaa islaweyne, ka mid ahaa xadgudbayaasha.
44:32 32. Waxaana ka doorannay (dadkii waqtigoodii), Annagoo ogsoon.
44:33 33. Waxaana siinnay calaamado [8] ay ku sugnaayeen imtixaan cad.
44:34 34. Kuwaasi (gaaladu) waxay yidhaahdaan:
44:35 35. Ma jirto waxaa aheyn dhimashadayada hore mana nihin kuwo dib loo soo nooleyn.
44:36 36. Ee (dib) u soo cesha aabbayaashayadii hore, haddaad run sheegaysaan.
44:37 37. Ma iyagaa khayr badan mise qolodii Tubbac [9] iyo kuwii ka horreeyey? Waanu hallignay, waxay ahaayeen denbiilayaal.
44:38 38. Uma aanu abuurin samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya ciyaar.
44:39 39. Uma aanu abuurin waxaan Xaq aheyn, badankooduse ma oga.