>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 496

44:1 1. Xaa Mim [1].

44:2 2. Waxaan (Aniga Alle ah) ku dhaartay kitaabka (Qur’aanka) ee caddeeya (Xaqa).

44:3 3. Xaqiiq, waxaanu soo dejinnay (Qur’aanka) habeen barakaysan [2]. Waxaanu nahay kuwa diga.

44:4 4. Habeenkaas (Laylatul Qaddarka) baa la gooyaa arrin kasta oo xigmo leh.

44:5 5. Amar ka yimid Xaggayaga. Hubaal waxaanu nahay kuwa soo dira (Rusul),

44:6 6. Naxariis ka ahaatay xagga Rabbigaa (Alle). Waa wax kasta Maqlaha, wax kasta Ogsoon.

44:7 7. Rabbiga samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya, haddaad yaqiinsaneysaan.

44:8 8. Ma jiro ilaah (Xaq lagu caabudo) aan Isaga aheyn, Waa isaga Kan bixiya nolol, oo sababa dhimasho, waa Rabbigiin iyo Rabbiga aabbayaashiinnii hore.

44:9 9. Waxayse ku sugan yihiin shaki, iyagoo iska cayaari.

44:10 10. Ee sug Maalinta ay samadu keeni qiiq muuqda.

44:11 11. kaasoo dabooli dadka, kani waa cadaab xanuun badan.

44:12 12. (Waxay odhan), "Rabbigayow! Naga feyd cadaabka [3], waan rumeynaye".

44:13 13. Goormay waantoobi, waxaana u yimid Rasuul iska cad (Nabi Muxammad).

44:14 14. Markaasay ka jeesteen oo yidhaahdeen: waa mid si fiican wax la soo baray, Jinnoole ah.

44:15 15.Waxaan idinka feydi cadaabka wax yar. Waxaadse ku noqoneysaan (gaalnimo).

44:16 16. Maalintaan qabaneyno qabashada weyn [4]. Hubaal waanu aarsan.

44:17 17. Waxaanu dhab ahaan imtixaannay hortood qolodii Fircoon, waxaana u yimid Rasuul sharaf leh (Nabi Muuse).

44:18 18. 'Isagoo leh': Ii dhiiba adoommaha Alle [5]. Waxaan anigu idiin ahay Rasuul aamin ah.