>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 495

43:74 74. Hubaal denbiilayaashu waxay geli cadaabka Naarta iyagoo ku waadhi.

43:75 75. Lagama nuxuusiyo (Naarta), iyagoo halkaa gudaheeda ku quusan.

43:76 76. Ma aanu dulmin, iyagaase ahaa daalimiin (gar ma qaatayaal).

43:77 77. Waxay u dhawaaqi (fura hayeenka Naarta iyagoo leh): Maaligow! Rabbigaa ha noo yeelo dhammaad. Wuxuu odhan: Waad ku waadhi (Naarta).

43:78 78. Waxaan idiin la nimid Xaq, badankiinnuse Xaqa baad nacdaan.

43:79 79. Mise ma waxay goosteen arrin (qorshe)? Annaguna wax baynu qorsheynaynaa (Ciqaabkooda).

43:80 80. Mise ma waxay moodaan inaanaan maqleyn sirahooda iyo faqooda gaarka ah? Mayee Rusushayada (malaa’igta ah) baa ag joogta oo qoreysa.

43:81 81. Dheh: Haddii Raxmaanku (Alle, aad leedihiin wuxuu) leeyahay ilmo, waxaan anigu ahay kan u horreeya ee waxida (oo ka hufa inuu leeyahay ilmo ama xaas ama shariig, iwm).

43:82 82. Waxaa xurmo oo dhan iska leh (Allaah) Rabbiga samooyinka iyo arlada, Rabbiga Carshiga, oo ka hufan waxay ku tilmaamaan.

43:83 83. Ee iska daa ha dhunbadeen (baadilkaas) oo ha iska cayaareene intay kala kulmaan Maalintooda loo yaboohay.

43:84 84. (Alle) waa Isaga Ilaaha Keliyee Xaqa ah somooyinka gudahood iyo Ilaaha Keliyee Xaqa ah arlada gudaheed. Waa Xakiimka, wax kasta Ogsoon.

43:85 85. Waxaa khayr iyo barako badan (Allaah) ee iska leh Boqortooyada (runta ah ee) samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya, oo ay agti tahay ogaanshaha Saacadda (Qiyaame), Xaggiisaana dib la idiinku soo celin.

43:86 86. Oo uma leh awood shafeeco kuwa ay baryaan (Alle) ka sokow, hase ahaatee ciddii qirta xaqa (ashahaadada ee ku dhaqma) oo aqoon san u leh (waxbay u shafeeci Idanka Alle kaddib).

43:87 87. Haddaad (gaalada) weydiiso yaa abuuray iyaga, waxay hubaal odhan: Allaah. Ee xaggee baa loo iilay?

43:88 88. (Nabigu) wuxuu yidhi: Rabbiyow! Xaqiiq kuwaanu waa qolo aan rumayneyn (Xaqa).

43:89 89. Ee iska saamax oo dheh: Nabadgelyo, wayse ogaan (waxa ku dhaca).