>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 494

43:61 61. isagu (Ciise iyo soo degitaanki) waa calaamad (muujin soo dhowaanshaha) Saacadda (Qiyaame), ee ha ka shakiyina arrinkeeda ee i soo raaca [18]: Kan baa ah Jid Toosan.

43:62 62. Yuu idinka leexin shaydaanka (Jidka), hubaal wuxuu idiin yahay cadow iska cad.

43:63 63. Markuuse Ciise ula yimid xujooyin cad, wuxuu yidhi: Waxaan idiin la imid Xikmad (Nabinnimo) iyo inaan idiin caddeeyo qaar ka mid ah waxaad isku khilaafsan tihiin, ee Alle ka cabsada oo i adeeca.

43:64 64. Hubaal Alle waa Rabbigay iyo Rabbigiinba, Ee caabuda Isaga (Keliya). Kan baa ah Jid Toosan.

43:65 65. Wayse is khilaafeen xisbiyadii (ehlu Kitaabkii) dhexdooda (xagga arrinka Ciise). Ee hoog waxaa leh kuwii dulmi falay xagga cadaab Maalin xanuun badan.

43:66 66. Ma waxay sugayaan waxaan ahayn Saacadda (Qiyaame) - taasoo ugu iman kedis iyagoo aan dreemeyn.

43:67 67. Saaxiibbadu Maalintaas waxay isu ahaan cadow qaarkoodba qaarka kale kuwa ka dhowrsada (xumaha) mooyee.

43:68 68. Addoomahaygiiyoow! Cabsi ma aha korkiinna maanta, mana murugooneysaan.

43:69 69. Kuwa rumeeyey Aayadahayaga ee ahaa Muslimiinta.

43:70 70. Gala Jannada, idinka iyo xaasaskiinnuba [19]; waa laydinka farxine.

43:71 71. Waxaa lagula kor wareegi xeedhooyin dahab ah iyo koobab, waxayna ka heli (Jannada) waxay doonaan nafahooda, indhuhuna ku raaxaystaan, idinkoo dhexdeeda ku waadhi.

43:72 72. Taasi waa Jannadii aad ku dhaxasheen waxaad camalsan fasheen.

43:73 73. Waxaad ku leedihiin gudaheeda midho tiro badan, xaggeedaa wax ka cuntaan [20].