>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 493

43:48 48. Ma jirin mucjiso aan tusinnay oo aan ka weyneyn eynigeed kale, waxaana ku qabannay cadaab [13] bal inay u soo laabtaan (Xaqa).

43:49 49. Waxay yidhaahdeen: Kan Saaxirka (caalimka) ahow! Noo bari Rabbigaa wuxuu kuugula ballantamay. (Haddii nalaga feydo cadaabka) waanu hanuuni (raaci Xaqa).

43:50 50. Markiise aan ka faydnay cadaabka, mise, markiiba waxay ka baxeen ballankii.

43:51 51. Wuxuu ka dhawaaqay Fircoon dadkiisii dhexdood isagoo leh: Dadkaygiiyow! Miyaanan anigu iska lahayn boqortooyada Masar iyo webiyadan qul-qula hoosteyda. Ee miyeydaan arkeyn?.

43:52 52. Sow aniga kama fiicni midkani liita ee aan kareyn inuu caddeeyo hadalkiisa [14].

43:53 53. Maxaa loo siin waayey jinjimo dahab ah, ama maxay ula iman weydey malaa’ig raacsan oo taageerta?

43:54 54. Wuxuu fudaydsaday qolodiisii, wayna adeeceen: waxay ahaayeen qolo caasi ah.

43:55 55. Markay naga Cadheysiiyeen, waan ka aarsannay, waana harqinnay dhammaan.

43:56 56. Waxaanu ka yeelnay wax tegay oo ay ku tusaale qaataan facyada dambe.

43:57 57. Markaan uga yeellayna ina Maryam (Ciise) tusaale, mise qolodaada (mushrikiinta ah) way ka jeesadeen 'tusaalahaa' [15].

43:58 58. Waxay yidhaahdeen: Ma ilaahyadayada baa fiican mise isaga? Uma ayan soo qaadan tusaalahaa waxaan aheyn muran. Waase qolo dood badan [16].

43:59 59. Ma uu aheyn (Ciise) wax ka badan addoon aan ugu nicmaynay (Nabinnimo), waxaana uga yeelnay tusaale reer Israa’iil.

43:60 60. Haddaan doonno, waxaan idinka yeeli lahayn malaa'ig dhulka u hadha [17].