Cabdullaahi Xasan Yacquub — 492
43:34 34. Guryahoodana albaabbo (fiddo ah) iyo sariiro 'sare'ay korkooda ku dangiigsadaan.
43:35 35. Iyo qurxinno (kaloo) dahab ah. Waxa- kani oo dhammina ma aha waxaan aheyn raaxada nolosha adduunkan (ee dhammaa- neysa). Aakhirada Rabbigaa agti ahna waxaa leh oo keliya dhowrsanayaasha.
43:36 36. Qofkii ka jeesada xuska Raxmaanka (Qur’aanka) waxaanu u xil saarnaa Shaydaan oo ku lammaansanaan.
43:37 37. Waxay ka duwaanna Jidka (Xaqa), waxayna isu maleyn inay hanuunsan yihiin.
43:38 38. Jeer markuu noo yimaado wuxuu ku yidhaahdaa (shaydaankaa): wayee, may dhexdeenna ahaato intay isu jiraan bariga iyo galbeedka oo kale; adigaa u xune cid lala xidhiidho.
43:39 39. Wax idiinma tareyso (gaaloy) Maalintan (Qiyaamada) maadaama aad dulmi fasheen inaad cadaabka (musiibada) wadaagtaan.
43:40 40. Ma adigaa wax maqashiin kara (Nabiyow) dhegoolaha, mase hanuunin kartaa indhoolaha iyo mid ku jira habow cad?
43:41 41. Haddaan ku oofsanno, Annaga uun baa ka aarsan iyaga (gaalada).
43:42 42. Ama aan ku tusinno waxaan ugu gooddinno oo cadaab ah, waxaanu ku leennahay dushooda awood buuxda.
43:43 43. Ee qabso waxaa laguu waxyooday (Qur’aanka), waxaad ku sugan tahay Tub Toosan (Islaamka).
43:44 44. (Qur’aankanina) waa kuu waano (sharaf iyo darajo) adiga iyo dadkaaba, waana la idin weydiin.
43:45 45. Weydii kuwaa ka midka ah Rusushayada aan soo dirnay hortaa: Ma waxaan yeellay Raxmaanka (Allaah) ka sokow ilaahyo la caabudo ?
43:46 46. Waxaanu dhab ahaan Muuse la soo dirnay Aayadahayaga xagga Fircoon iyo xildhibaannadiisii, markaasuu yidhi: Anigu waxaan ahay Rasuulka Rabbiga uumanka.
43:47 47. Markiise uu ula yimid Calaamooyinka- yaga mise wayba ku qosleen.