>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 490

43:11 11. Ee ah Kan ka soo dejiya daruuraha biyo qaddaran oo aan ku nooleyno magaalo dhimatay, sidaasaa la idiin soo bixin (dhimasho kaddib).

43:12 12. Ee ah Kan abuuray noocyada wax waliba oo idiin yeelay doonyo [4] iyo xoolo [5] aad fuushan.

43:13 13. Si aad u kortaan dushooda, markaas aad xustaan Nicmadda Rabbigiin markaad dushooda kortaan, oo tidhaahdaan: waxaa ka hufan (xumaan) Kan 'Alle' ee noo sakhiray waxakan, mana aheyn kuwo kara leyligeeda.

43:14 14. Innaguna xaqiiq xagga Rabbigayo (Allaah) yaanu u guddoomeynaa.

43:15 15. Waxayse ka yeelaan qayb ka mid ah addoomihiisa 'shariigyo la wadaaga Alle cibaadada' [6]; Hubaal Aadmigu waa abaal darane caddaysatay.

43:16 16. Ma wuxuu (Alle) ka yeeshay wuxuu abuuray qaarkood (malaa’igta) gabdho, oo idiin dooray wiilal.

43:17 17. Marka loogu bishaareeyo midkood waxa (gabdhaha) uu u nisbeeyo Raxmaanka 'Alle' ugana yeelo tusaale, wuxuu wejigiisu noqdaa madow isagoo walbahaarsan.

43:18 18. Ma (Allay ku sheegaan inuu dhalay gabdho) ah kuwo ku barbaara isqurxin oo aan doodna caddeyn karin?

43:19 19. Oo waxay ka yeelaan malaa’igta ah addoomaha Raxmaanka dheddig, miyey joogeen abuurkoodii? Maraggooda waa la qori oo la weydiin 'arrinkaa' [7].

43:20 20. Waxay yidhaahdeen: Hadduu doono Raxmaanku, marnaba ma aanu caabudneen (wax kale). Uma ay laha wax cilmi ah (arrin)kani, been uun bay sheegi.

43:21 21. Mise waxaan siinnay Kitaab ka horreeyey (Qur’aanka oo amri inay caabudaan Alle qeyrki) oo ay heystaan?

43:22 22. Waxayse yidhaahdeen: Waxaan hellay aabbayaashayoo ku sugan dariiqo, innaguna iyaga raadkoodii baan ku hanuunsannahay.