>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 489

42:52 52. Sidaasaan kuugu waxyoonnay Ruux (Qur’aan) Amarkayaga ah, ma aadan ogeyn wuxuu yahay Kitaab iyo Iimaan midna? Waxaanse ka yeelnay Nuur aan ku hanuuninno ciddaan doonno oo ka mid ah addoomahayaga. Oo xaqiiq Adigu (Nabi Muxammadow) waxaad ku hanuunisaa (dadka) Jid Toosan.

42:53 53. Jidka Alle, ee ah Kan iska leh waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada. Ogaada, xagga Alle bay u ahaan umuuraha oo idil (wuuna idin abaal marin, qof walba iyo camalki).

43:1 1. Xaa Miim [1].

43:2 2. Waxaan ku dhaartay Kitaabka (Qur’aanka) ee caddeeya (Xaqa).

43:3 3. Hubaal Annagaa (Alle ah) ka yeellay Qur’aan af Carabi ah, si aad u fahantaan.

43:4 4. Wuxuuna xaqiiq ku sugan yahay asalka Kitaabka [2] nala yaal, Kor ah, Xikmad Badan.

43:5 5. Miyaan idinka deysannaa (Qur’aanka) gebigiisaba inaad tihiin qolo xad gudub badan awgeed?

43:6 6. Badanaa intaan Nabi u dirnay kuwii hore dhexdood!

43:7 7. Ma jirin Nabi u yimaada oo aysan ku jees-jeesin.

43:8 8. Markaasaan hallignay kuwo [3] ka xoog iyo qabasho badnaa, waxaana hore u tagay mataalka kuwii hore (ee la halaagay).

43:9 9. Haddaad (gaaladaa) weydiiso: Yaa abuuray samooyinka iyo arlada? Waxay odhan: Waxaa abuuray (Alle) Adkaadaha, Wax kasta Ogaha ah.

43:10 10. Kan idiinka dhigay dhulka gogol, idiinkuna yeelay dhexdiisa waddooyin si aad ugu toostaan.