>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 487

42:32 32. Waxaa ka mid ah Calaamooyinka Alle doonyaha badda maaxa buuro oo kale ah.

42:33 33. Hadduu doono, Wuxuu xasiliyaa (joojiyaa) dabeysha, markaasay fadhiistaan biyaha korkooda. Hubaal (arrin)kani waxaa ugu sugan calaamooyin mid kasta oo samir iyo mahad naq badan.

42:34 34. Ama waa intaasoo uu u halligo [13] waxay kasbadeen awgeed (oo denbiyo ah), wax badanna (Alle) wuu ka cafiyaa.

42:35 35. Waxayna ogaan kuwa ka dooda Aayadahayaga inaysan u sugnaanin meel ay magan galaan.

42:36 36. Wixii la idin siiyo oo wuxuun ah waa uun sahay dhammaaneysa ee nolosha adduunkan, waxase Alle agtiisa ah baa u khayr badan oo daa’insan kuwa (Xaqa) rumeysan ee Rabbigood tala saarta.

42:37 37. Ee ah kuwa ka fogaada denbiyada waaweyn iyo xumaha, markay cadhoodaanna wax iska cafiya.

42:38 38. Ee ah kuwa ajiiba Rabbigood oo ooga salaadda, xukunkooduna wada tashi yahay dhexdooda, waxaan ku irsaaqnayna wax ka bixiya.

42:39 39. Ee ah kuwa marka la dulmiyo is difaaca [14] 'xad gudub la'aan'.

42:40 40. Abaalka hal xume waa xume la mid ah, qofkii se iska cafiya oo wax hagaajiya, wuxuu ka heli ajarkiisa xagga Alle. Hubaal Alle ma uu jecla daalimiinta (gar diidka).

42:41 41. Qofkii is difaaca kaddib marka la dulmiyey, kuwan weeye kuwa aan lagu lahayn jid (lagu eedo).

42:42 42. Waxaa sideedaba jid lagu leeyahay (oo eed leh) kuwa dulmiya dadka, oo ku fallaagooba arlada xaq darro, kuwani waxay leeyihiin (Maalinta Qiyaamaha) cadaab xanuun badan.

42:43 43.Qofkii sabra oo wax iska cafiya, kaasi [15] waa arrin loo qasdo (la go'aansado).

42:44 44. Qofkii uu Alle lumiyo, ma uu laha gargaare Isaga kaddib. Waxaadna arki daalimiinta markay arkaan cadaabka, iyagoo leh: Miyey jirtaa jid loogu laabto (adduunkii si aan u tawbad keenno).